Madaxweyne Ruto oo lagu Eedeeyay inuu la kulmay Kooxda Al-Shabaab

0
171

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Kenya kadib markii Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, Rigathi Gachagua, uu eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Kenya William Ruto, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Gachagua oo hadda ku sugan dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Madaxweyne Ruto uu si qarsoodi ah ula kulmay seddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu ku sugnaa degmada Mandera ee dalka Kenya, halkaasoo uu sheegay in ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha ganacsiga iyo ammaanka.

Gachagua wuxuu tilmaamay kulankaasi inuu ahaa mid khatar ku ah amniga qaran, isagoo ku adkeystay in Madaxweynahu uu qaaday ficil qaran dumis ah, Si kastaba ha ahaatee, ma aanu soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya kulankaas ama cidda uu la kulmay Madaxweyne Ruto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa si degdeg ah uga falceliyay eedeynta, isagoo ku tilmaamay hadalka Gachagua mid masuuliyad darro ah oo wax u dhimaya sumcadda iyo amniga dalka.

Murkomen ayaa sheegay in marka uu Gachagua dib ugu soo laabto dalka, looga baahan doono inuu bixiyo warbixin rasmi ah oo ay u baahdaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo eedeyntiisa. Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan laamaha ammaanka, arrintaas waxaa laga yaabaa in loo gudbiyo maxkamad, maadaama ay khusayso amaanka qaranka, Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa ku baaqay in Gachagua la xidho haddii uu keeni waayo caddeyn buuxda.

“Haddii uu Gachagua leeyahay madaxweynuhu wuxuu la kulmay Al-Shabaab, waa in uu keenaa caddeyn, Haddii kale, waa in si degdeg ah loo xidhaa,” ayuu yidhi Senator Roba.

Rigathi Gachagua waxaa xilka laga qaaday bishii Oktoobar 2024 kadib khilaaf soo jiitamayay oo kala dhexeeyay Madaxweyne Ruto, Tan iyo markaas, Gachagua wuxuu si joogto ah u dhaleeceynayay hoggaanka Ruto, isagoo marar badan sheegay inuu Ruto dalka ka leexiyay tubtii saxda ahayd.

 

Are you happy to accept cookies?

To manage your cookie choices now, including how to opt out where our partners rely on legitimate interests to use your information.

Yes, I’m happy