Kormeerka Madaxweyne Cirro ee Madbacadda Qaranka:- Hiigsi, Horumar iyo Himilo Qaran

0
172

Qore Daahir Cabdi Ciise

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho hawleed ku yimi xarunta Wakaaladda Madbacadda Qaranka, oo ah hay’ad laf-dhabar u ah adeegyada daabacaadda dalka. Booqashadan ayaa si cad uga tarjumaysa hiigsiga iyo himilada xukuumadda cusub ee ah in la horumariyo hay’adaha qaranka, gaar ahaan kuwa door muuqda ku leh ilaalinta sumcadda iyo kor u qaadista adeegyada dalka.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka waxay soo martay marxalado kala duwan. Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku maalgelisay madbacadda qaranka, hase ahaatee maalgelintaasi waxaa hareeyay madmadow iyo hufnaan la’aan, taas oo sababtay in qaar ka mid ah mishiinnadii la keenay ay muddo dheer fadhiyaan. Maamulka cusub ee wakaaladda, oo leh himilo iyo aragti dheer, ayaa dib u hawlgeliyey qalabkii fadhiistay, iyaga oo ku talo jira inay Madbacadda Qaranka ka dhigaan xarun buuxisa baahiyaha dalka iyo gobolka bariga Africa.

Intii lagu guda jiray kormeerka, Madaxweyne Cirro wuxuu si faahfaahsan u indha indheeyey dhammaan waaxyaha madbacadda laga bilaabo qaybta naqshadeynta iyo diyaarinta shaqada (pre-press) ilaa qaybta dhamaystirka (post-press). Madaxweynuhu

Wuxuu goob joog u noqday xirfadda iyo dadaalka shaqaalaha ee ku aaddan bixinta adeeg tayo sare leh.

Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Madbacadda Qaranka ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey sharaxaad dhammaystiran oo ku saabsan adeegyada ay bixiso wakaaladdu, guulaha la gaadhay, iyo caqabadaha weli horyaalla. Waxa kale oo ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in hay’addu ka mid noqoto xarumaha ugu hormarsan ee daabacaadda Bariga Afrika.

Si loo xaqiijiyo yoolkan, waxaa lama huraan ah in la daboolo baahiyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Helitaanka mishiinno casri ah oo awood sare leh
  2. Horumarinta tignoolajiyada qaybaha pre-press iyo post-press

Qalab iyo software u suurtogeliya shaqaalaha inay la jaanqaadaan heerarka ugu sarreeya ee caalamiga ah

Haddii baahiyadan la daboolo, Madbacadda Qaranka waxay awoodi doontaa inay si buuxda u daboolto baahiyaha gudaha, isla markaana ay noqoto xarun adeegyo casri ah u fidisa suuqyada Bariga Afrika. Taasina waxay kor u qaadi doontaa sumcadda qaranka, abuuri doontana fursado dhaqaale oo cusub.

Gabagabo

Booqashada Madaxweyne Cirro ee Madbacadda Qaranka waxay tusaale u tahay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay horumarinta hay’adaha qaranka ee muhiimka ah. Madbacad casri ah oo si buuxda u qalabaysan, oo ay ka hawlgalaan shaqaale xirfad sare leh, waxay noqon doontaa astaan lagu faano, il dhaqaale oo cusub, iyo albaab u furma iskaashi goboleed iyo caalami ah, taas oo Somaliland ka dhigi doonta xarun hormood u ah adeegyada daabacaadda ee Gobolka Bariga Afrika.