Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isku dayi doono in uu dib u soo celiyo qaar ka mid ah dhulka Ukraine ee uu Ruushu qabsaday inta lagu guda jiro kulanka uu Jimcaha la yeelanayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
“Ruushka waxa uu qabsaday qayb weyn oo ka mid ah Ukraine, waxa ay qabsadeen dhul muhiim ah, waxa aanu isku dayi doonaa in aanu qayb ka mid ah dhulkaas dib ugu soo celinno Ukraine,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad.
Isaga iyo madaxweynaha Ruushka ayaa lagu wadaa in ay wada hadal ku yeeshaan Alaska dhammaadka usbuucan.
Trump waxa uu ku andacooday in uu ku ogaan karo labo daqiiqo gudahood marka uu la kulmo Putin in horumarku suurtogal yahay iyo in kale.
Waxa uu sheegay in Jimcaha uu noqon doono “kulan dareen leh” oo looga dan leeyahay in lagu boorriyo Putin inuu joojiyo dagaalka – isagoo soo jeediyay inuu u arko shir madaxeedka mid billow ah.
Trump ayaa mar kale ka digay inay jiri doonaan “wax is dhaafsi, isbeddel dhul” oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Maaha markii ugu horeysay ee uu isticmaalo odhaahda ah “dhul-is dhaafsi”, inkastoo aan la ogeyn dhulka uu Ruushku ku wareejin karo Ukraine. Kyiv waligeed ma sheegan dhul Ruush ah.
Trump ayaa sheegay in uu wargelin doono hoggaamiyeyaasha Yurub haddii Putin uu soo jeediyo “heshiis cadaalad ah” inta lagu guda jiro wadahadalka, isaga oo intaa ku daray in uu marka hore la hadli doono madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky “ixtiraam darteed”.
“Waan waci doonaa marka hore… waan wici doonaa ka dib, waxaana laga yaabaa inaan dhaho, ‘nasiib badan, sii wad dagaalka,’ ama waxaan dhihi karaa, ‘waxaan sameyn karnaa heshiis'” ayuu yidhi




















