Madonna oo ah fannaanad caan ah ayaa ku boorrisay Baadariga Kaatoliga Pope Leo XIV inuu booqdo Qasa si uu u soo arko xaaladda caruurta gaajada u geeriyoonaya.
Boqoradda muusikada Mareykanka ayaa codsigeeda ku baahisay baraha bulshada, iyadoo sheegtay in Baadarigu yahay “kan kaliya ee annaga naga mid ah ee aan laga hor istaagi karin gelitaanka Qasa”.
Fariinteedu waxay timid xilli UK, Midowga Yurub, Australia, Canada iyo Japan ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku baaqeen in tallaabo degdeg ah la qaado si loo joojiyo “gaajada carruurtu u dhimanayaan”.
“Fadlan tag Qasa ,” ayay Madonna ku qortay Instagram-keeda. “Aniga oo ah hooyo, ma awoodo inaan daawado dhibtooda.”.






















