Putin iyo Kim Jong Un oo wada hadlay

0
269

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu la hadlay hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, isaga oo uga warramay kulankiisa la qorsheeyey ee uu la yeelanayo Donald Trump. Lama oga waxa la iska yidhi kulanka Alaska, balse labada nin oo xulafo ah ayaa la sheegay inay ballan qaadeen iskaashi ka sii qoto dheer kan hadda.

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale uga mahadceliyey ciidamada Kuuriyada Waqooyi waxa uu ku tilmaamay in ay naftooda u hureen si ay uga caawiyaan in ay ka saaraan ciidamada Ukraine gobolka Kursk ee Ruushka. In ka badan toban kun oo askari ayaa loo diray Kursk, halkaas oo ay la kulmeen xaalado aad u adag oo ay ku waayeen askar badan.

Pyongyang ayaa ku tilmaantay kulanka mid diirran oo saaxiibtinimo leh, waxayna sheegtay in Mr Kim uu ballan qaaday inuu taageeri doono dhammaan tallaabooyinka mustaqbalka ee uu qaaddo hoggaanka Ruushku.