Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Olole wacyigelin ballaadhan ah oo uu Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Mudane Barkhad Maxamed Geedi, ka bilaabay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo bishan August 13, 2025, ayaa tusaale u ah sida qorshaysan ee ay hay’adaha qaranku uga go’an tahay ka-hortagga cudurrada halista ah, gaar ahaan HIV/AIDS, oo weli ah caqabad caafimaad oo ay wajahayaan guud ahaan waddamada caalamku.
Agaasimaha Wacyigelinta Komishanka Xakameynta HIV ADS (SOLNAC) ayaa socdaallo shaqo oo muhiim ah ku tagay gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer iyo Gobolka Sanaag, isaga oo kulamo la yeeshay la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada Togdheer iyo Sanaag, sida Booliska, xarumaha caafimaadka, maamulka gobolka, iyo madaxda deegaanka, waxay ahayd tallaabo wax-ku-ool ah oo muujinaysa fahamka fog ee Komishanka ee la xidhiidha muhiimadda ay leedahay la-tashiga iyo wada shaqeynta si loo gaadho himilooyin bulsho oo ballaadhan, gaar ahaan kuwa nugul ee u nugul faafitaanka cudurrada.
In wacyigelintu ay noqoto mid si toos ah u gaadha hay’adaha deegaanka iyo adeegyada caafimaad waa astaanta wax-ka-qabasho dhab ah, iyadoo la ogyahay in HIV/AIDS aan kaliya lagaga hortagi karin isbitaallada, balse looga baahanyahay baraarujin iyo badbaadin bulsho oo meel kasta gaadha. Kulanka uu Agaasimaha Wacyigelinta Komishanka Xakameynta HIV ADS (SOLNAC) la yeeshay Badhasaabka iyo Maayarka degmada Burco, iyo dardaaranka uu u jeediyay shaqaalaha xarunta gobolka, waxay muujinayaan in Komishanku si dhab ah ugu taagan yahay dagaalka lagula jiro faafitaanka HIV/AIDS.
Sidoo kale, waxa si weyn loo bogaadinayaa in ololeyaashan wacyigelinta ah ay sal u yihiin qorshe ballaadhan oo Komishanku hormuud ka yahay, kuna wajahan in la dhiso bulsho xog-ogaal ah oo fahamsan halista cudurka, habka uu ku faafayo, iyo tallaabooyinka la isku difaaci karo.
Tani waa aragti ka durugsan kaliya bixinta adeeg caafimaad, waa aragti isugu jirta waxbarid, badbaadin, iyo horumar bulsho oo waara. Waxay dib u xasuusinaysaa dhammaan hay’adaha kale ee dawladda iyo bulshada rayidka ah in la dagaallanka cudurrada faafa ay tahay masuuliyad wada-jir ah oo aan la iska indha tiri karin.
Ugu dambayn, dadaallada ay wadaan Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah tusaale mudan in lagu daydo. Haddii la helo taageero siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo ka-qaybgal bulsho, waxa suuragal ah in HIV/AIDS laga dhigo mid aan mustaqbalka halis ku ahayn bulshada Somaliland.
Badbaadinta bulshadu waxay bilaabataa marka la wacyigeliyo. Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka-na wuxuu hoggaan u yahay badbaadintaas.






















