Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka toddobaadkan, waxaan si qoto dheer u eegaynaa horumarka ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku ku tallaabsatay lixdii bilood ee la soo dhaafay, warbixin rasmi ah oo uu Wasiirka Caafimaadka Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ka hor akhriyey Golaha wasiirrada, taasoo daaha ka rogtay qorshayaal, mashaariic iyo dadaallo ballaadhan oo lagu horumarinayo caafimaadka shacabka Somaliland.
Wasiirka Caafimaadka ayaa warbixin faahfaahsan ka hor akhriyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, taasoo muujisay waxqabadka wasaaradda lixdii bilood ee ugu dambeeyay.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay muujisay dadaal xooggan oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xaqiijiyo kor u qaadista caafimaadka guud ee bulshada reer Somaliland.
Wasiirka ayaa ku soo bandhigey fadhigii golaha wasiirada warbixin iftiimisay dhinacyo badan.
Dhismaha iyo casriyeynta xarumo caafimaad oo cusub guud ahaan gobollada dalka, balaadhinta adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah, sigaar ah meelaha fog fog, kor u qaadista tayada adeega caafimaadka ee xarumaha dowladda
Sidoo kale kobcinta adeeg bixinta caafimaadka ayaa xooga la saarey keenista qalab caafimaad oo casriya, oo la gaadhsiiyay xarumo caafimaad oo mihiim ah, hagaajinta sahayda dawooyinka, gaar ahaan xarumaha ku yaala tuulooyinka iyo degmooyinka.
Geesta kale waxa ay wasaaraddu bilowday kobcinta aqoonta shaqaalaha caafimaadka, waxa ay tabbabaro joogta ah loo qabtay shaqaalaha caafimaadka si kor loogu qaado xirfadooda iyo aqoontooda, waxa kale oo la siiyay barmaamijyo lagu dhiirigelinayo xirfadlayaasha caafimaadka inay ku sii nagaadaan xirfadooda iyo aqoontooda.
Dhanka kale wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, waxa ay dib u habeyn iyo dayactir ku sameysay xarumaha bulshada loogu adeego iyo qaar ka mid cisbitaalada waa weyn ee dalka.
Waxa kale oo wasaaraddu ay qaaday dadaallo lagu xoojinayo la tacaalida iyo ka hortaga xannuunada faafa shida shuban-biyoodka iyo jadeecada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa si weyn u bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in la sii wado dedaaladaasi si bulshadu u hesho adeeg caafimaad oo hufan, joogto ah, lana gaadhsiiyo dhammaan gobollada iyo tuulooyinka dalka.
Gaba-gabadii
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxay qorshaynaysaa in sanadaha soo socda la kordhiyo miisaaniyadda caafimaadka, la bilaabo barnaamijyo cusub oo la xidhiidhaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyo in la horumariyo adeegyada caafimaadka maskaxda, kuwa naadirka ah iyo caafimaadka bulshada guud ahaan.
Barnaamijkeenu wuxuu ujeedkiisu yahay in bulshada lagu wacyigeliyo, laguna dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada horumarinta caafimaadka.

























