Xukuumaddu Waxa ka Go’an Horumarinta Caafimaadka Shacabka Somaliland

0
485

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan, waxaan si kooban u iftiiminaynaa doorka ay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ka qaadato kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee dalka.

Wasaaraddu waxay si joogto ah uga shaqaysaa in adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, loona wada siman yahay laga hirgeliyo guud ahaan gobollada iyo tuulooyinka Somaliland, ujeeddadu waa in caafimaadka bulshada la horumariyo si waafaqsan baahida dhabta ah ee shacabka.

Wasaaraddu waxa ay hirgelisay qorshayaal ballaadhan oo lagu tayaynayo adeegyada, kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, si loo gaadho adeeg-bixin caafimaad  oo hufan, isla markaana loowada siman yahay.

Haddaba, haddii aynu ku bilowno barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan, waxa aynu si nidaamsan ugu dul istaagi doonaa arrimo muhiim ah oo la xidhiidha horumarka iyo hawlaha ay wado wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobbada aynu eegayno waxay iftiiminayaan dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Qodobada aynu diiradda saari doonno waxaa ka mid ah:

Carwadda Caafimaadka Dib loo Dhigay : Carwaddii Caafimaadka Somaliland ee la qorsheeyay 10-ka August 2025 ayaa dib loo dhigey iyada oo sabab looga dhigey abaaraha dalka ka jira, carwaddaasi waxay diiradda saareysay wacyigelinta bulshada iyo kobcinta iskaashiga hay’adaha iyo ganacsatada caafimaadka.

Tallaallada Cusub : Wasaaraddu waxay dalka keentay tallaallo cusub oo muhiim ah, kuwaaso kala ah Rota Virus ka hortagga shuban-carruureedka iyo PCV (Pneumococcal Vaccine)  ka hortagga Oof-wareenka carruurta.

Tababaro ballaadhan oo shaqaalaha caafimaadka lagu barayo tallaalladan ayaa laga qabtay, gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Sanaag, Saraar, iyo Gabiley, tababaradani waxay socdeen 2 ilaa 3 maalmood waxaana la bixiyey casharro la taaban karo oo ku saabsan adeegyada tallaalka.

Daryeelka Nafaqada Carruurta : Wasaaraddu waxay la wareegtay daawooyin iyo qalab caafimaad oo ay bixisay WHO, si loogu adeego carruurta nafaqo-darradu saameyso, mashruuca MAMI Program oo lagula tacaalo nafaqada carruurta ka yar 6 bilood ayaa laga wadaa dalka, iyadoo la kaashanayo Save the Children.

Taageerada Hablaha yaryar : Mashruuca Power4Girls iyo Skills4Girls ayaa lagu taageerayaa hablaha da’doodu u dhaxayso 10–19 jir si loo horumariyo, caafimaadkooda, nafaqadooda iyo Waxbarashadooda, mashruucan waxaa si wadajir ah u fuliyey Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Qoyska.

Qayb Cusub oo Qaaxada (TB) ah Cisbitaalka Sallaxley ayaa laga hirgeliyey qayb cusub oo TB ah, si wax looga qabto cudurrada faafa, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in la ballaadhinayo adeegyada noocan oo kale ah

Magacaabid Mas’uuliyiin Cusub : Wasaaraddu waxay magacowday mas’uuliyiin cusub si loo dardargeliyo adeegyada, sgaasimayaal cisbitaallo, isu’duwayaal gobollada iyo madaxa Barnaamijka Qaaxada Qaranka

Gaba-gabadii

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxay si joogto ah u waddaa barnaamijyo caafimaad oo ballaadhan kuwaas oo diiradda saaraya, tallaalka carruurta, la-dagaallanka nafaqo-darrada, ka hortagga cudurrada faafa,  horumarinta caafimaadka hablaha, iskaashi la leh hay’adaha caalamiga ah sida WHO, UNICEF, iyo Save the Children.

Ujeeddu waa in caafimaad tayo leh la gaadhsiiyo dhammaan shacabka Somaliland, meel kasta oo ay joogaan.

Barnaamijkeena waxa uu ujeedkiisu yahay in bulshada lagu wacyigeliyo lana fahamsiiyo heerka uu marayo horumarka caafimaad ee dalka.