Mashruuca SOM-REP: Xoojinta Wax-soo-saarka Beeraleyda iyo Adkaysiga Bulshada

0
209

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo nolosha bulshada reer miyiga ah, gaar ahaan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada. Tallaabadan ayaa ka dhigan isbedel muuqda oo lagu xoojinayo wax-soosaarka gudaha, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah.

13-kii August 2025, waxa si rasmi ah xarunta wasaaradda uga qabsoomay kulan muhiim ah oo dhex maray madaxda sare ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Shaqo-doon. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan mashruuca SOM-REP (Somaliland Resilience Enhancement Project), kaas oo loogu talo galay in lagu taageero adkaysiga bulshooyinka ku tiirsan wax-soosaarka dhulka iyo dhaqashada xoolaha.

Mashruuca SOM-REP ayaa ah barnaamij waqti dheer socon doona oo lagu doonayo in lagu kobciyo awoodda wax-soo-saarka beeralayda, iyo in lagu abuuro deegaanno u adkaysta isbeddelka cimilada. Waxa uu sidoo kale ka mid yahay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee Somaliland ku horumarinayso la tacaalidda saboolnimada iyo gaajada.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Eng. Cabdirisaaq Gass, iyo khubarro ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Sheekh Maxamuud Gaboobe. Dhinaca hay’adda Shaqo-doon, waxa kulanka ka qayb galay madax iyo hawl-wadeeno khibrad u leh hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Mashruucan ayaa ah fursad weyn oo lagu horumarin karo wax-soosaarka maxaliga ah ee Somaliland, isla markaana lagu yareyn karo saboolnimada. Sidoo kale iskaashigan labada dhinac ee mashruuca SOM-REP ayaa noqon doona mid horseeda guulo muuqda oo la taaban karo, isla markaana lagu wajahayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka nololeed ee deegaanka.