Baanka Dhexe ee Somaliland oo Dardar-gelinaya Horumarinta Ganacsiga iyo Maaliyadda

0
209

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim u ah kobcinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyadoo lagu hawlan yahay hirgelinta barnaamij casriyeyn ah oo lagu xoojinayo hufnaanta, kalsoonida iyo waxtarka hay’adda maaliyadeed ee qaranka. Barnaamijkani waxa uu si gaar ah diirradda u saarayaa horumarinta ganacsiga iyo maaliyadda, iyadoo si xeel dheer loo eegayo meelaha istaraatiijiga ah ee ay ka mid yihiin dekedda Berbera iyo isku xidhka ganacsiga gobolka.

Dadaallada cusub ee Bangiga Dhexe ayaa xoogga saaraya kobcinta hababka lacag-bixinta ee ganacsatada Itoobiya, horumarinta adeegyada bangiyada ee xuduudaha ka gudba, gaar ahaan kuwa la xidhiidha dhoofinta xoolaha iyo maalgelin lagu taageerayo koboca degmada Berbera oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland. Sidoo kale, xoojinta nidaamka sarrifka lacagaha qalaad ee dekedda Berbera ayaa qayb muhiim ah ka ah qorshahan, si loo sugo in dhaqaalaha dalka uu la jaanqaado fursadaha cusub ee gobolka.

Tani waa tallaabo muujinaysa qorshe qoto dheer oo ay Somaliland ku doonayso inay kor ugu qaaddo kobaca dhaqaale iyo awoodda tartan ee suuqyada maaliyadeed, iyada oo la dhisayo saldhig adag oo lagu gaadhi karo yoolalka horumarineed ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa hoggaaminayay wefti rasmi ah oo ay ka mid yihiin khubaro caalami ah sida Austin Albert iyo Mankolo, kuwaas oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Berbera 10-kii August, 2025. Socdaalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo Waaxda Kormeerka iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed.

Booqashadan ayaa sidoo kale fure u noqon karta iskaashi dheeraad ah oo dhexmara Bangiga Dhexe iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee taageera koboca dhaqaale ee gobolka, iyada oo Berbera ay noqonayso xarun muhiim ah oo loo marayo ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Safarkan Guddoomiye ku-xigeenka bangiga, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ku tagay magaalada Berbera, ayaa noqotay mid xambaarsan farriin cad oo ku wajahan kor u qaadidda doorka Berbera ee kobaca dhaqaalaha dalka. Iyada oo weftiga uu hoggaaminayey ay ka mid ahaayeen khubaro caalami ah, waxaanay kulamo midho-dhal ah la yeesheen masuuliyiinta heer deegaan iyo heer qaran. Waxaa ka mid ahaa Duqa magaalada Berbera, Maareeyaha Dekedda, Maareeyaha Laanta Bangiga Dhexe ee magaalada, iyo Wasiirka Xoolaha. Tani waxay muujinaysaa is-afgarad guud oo ku aaddan in dekedda Berbera laga dhigo xarun dhaqaale oo firfircoon oo tartan la geli karta dekedaha kale ee gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ayaa si cad u muujiyey in kormeerka iyo korjoogtaynta hay’adaha maaliyadeed ee gobolka loo baahan yahay in lagu saleeyo istaraatiijiyad waafaqsan doorka istaraatiijiga ah ee Berbera. Tani waa aragti dheer oo dhiirrigelinaysa maalgelin la jaanqaadaysa baahiyaha ganacsiga iyo koboca dhaqaale ee gobolka.

Berbera waa albaabka ugu weyn ee Somaliland, kaas oo ah mid istaraatiiji ah oo ah afaafka dhaqaale iyo isku xidhka Somaliland iyo dunida inteeda kale, ganacsi ahaan, siyaasad ahaan iyo istaraatiiji ahaanba. Sidaas darteed, dadaallada uu Bangiga Dhexe ugu jiro casriyeynta iyo kormeerka si hufan u shaqeeya waa tallaabo mudan in la taageero, la dardargeliyo, lagana dhigo mid waarta.