Marcus Mosiah Garvey waxa uu ahaa hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee reer Jamaica oo ka mid ah dalalka ku yaalla koonfurta America, waxaana uu ahaa weriye, ganacsade, iyo aftahan. Waxa kale oo uu ahaa aasaasihii iyo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Guud ee Ururka Hagaajinta Nabada ee Bulshada dadka madow ee ka soo jeed qaaradda Africa. Fikir ahaan waxa uu ahaa nin wadani ah oo bulshda madow ka soo jeeda (Pan-Africanist).
Bishii Janaweri sanadkii 1940, Garvey waxaa ku dhacay faaliga uu sababay xanuunka dhiig karka, waxana uu noqday naafo.
Xoghayihiisa, Daisy Whyte, ayaa faafiyay warar xun ah oo ku saabsan geerida Garvey, isagoo aan weli dhiman oo nool.
Arinkan ayaa horseeday in wargeysyo badan ay daabacaan tacsi deg deg ah, kuwaasi oo qoraaladooda loo keenay oo uu akhriyay Mr.Garvey.
Garvey ayaa tacsidaasi aad uga xumaaday, iyo geerida lagu sheegay isagoo nool iyo baahinta tacsida ee ay wargeysyada faafiyeen, waxaana ay sababtay inuu miyir beelo isagoo dhiig karku aad ugu sii kacay.
Muddo yar ka dibna waxa uu u dhintay xanuunkaasi isagoo da’diisu tahay 52 sano 10 June 1940. Isagoo sababta dhimashadiisa uu xanuunka ahaa, haddana waxa la sheegay in naxdinta iyo niyad jabka uu ka qaaday tacsidiisa isagoo nool la baahiyay ay ahayd midda soo dedejisay geeridiisa.
Garvey waxa lagu aasay kiniisad ku taalla galbeedka London.
Halkudhigyada taariikhda u galay ee yidhi waxa ka mid ahaa :” Dadka aan aqoon taariikhdoodii hore, asalkoodii iyo dhaqankoodii hore waxay la mid yihiin geed aan xidido lahayn”. Waxaana uu ku dhiirgelinayay bulshada madow ee dalkaasi deggan.
Iska ilaali inaad qofna ka nixiso, waayo naxdintu waxay sababtaa geerida degdega ah iyadoo kicisa xanuunada qofku qabo sida macaanka, dhiig karka iwm, kuwaas oo dhamaantood sabab u noqda geerida.

























