Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen xarun tamar oo ay isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, maalmo kadib markii ay soo rideen gantaal laga soo tuuray dhanka Yemen. Afhayeenka militariga Israa’iil, Avichay Adraee, ayaa sheegay in ciidamadu ay “weerareen bartilmaameedyo argagixiso oo ku yaalla gudaha Yemen… iyaga oo beegsanaya kaabayaasha tamarta” ee ay leeyihiin Xuutiyiinta, gaar ahaan meel u dhow caasimadda Sanca, oo ay maamulaan, isagoo aan cayimin goobta saxda ah ee ay beegsadeen.
Dhanka kale kanaalka Al-Masirah oo xidhiidh la leh Xuutiyiinta ayaa sheegay, isaga oo soo xiganaya Ilaalada Rayidka, in “duqeyn ay geysteen Mareykanka iyo Isra’iil lagu beegsaday xarunta korontada ee Haiz, oo ku taalla degmada Sanxaan ee koonfurta caasimadda Sanca.”
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo waaweyn, taasoo sababtay in matooradii korontada ay istaagaan. Weli wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay.






















