Israa’iil oo Wajahaysa Mawjado Mudahaardyo ah oo Shacabka Dalkaasi kaga soo Horjeedo

0
201

Israa’iil gudaheeda, shaqo joojin guud oo hal maalin ah ayaa la filayaa in la qabto , si looga mudaaharaado qorshaha dawladda ee ah in la qabsado magaalada Qasa.

Qoysaska dadka la haysto iyo dad kale ayaa codsaday shaqo joojinta, iyaga oo sheegaya in fidinta dagaalka ay khatar weyn gelinayso nolosha Israa’iiliyiinta ay Xamaas hayso.

Arrintani waxay imaneysaa toddobaad kadib markii golaha dagaalka ee Israa’iil uu u codeeyay in la qabsado magaalada Qasa, oo ah magaalada ugu weyn dhulkaas iyo in dadka halkaas ku nool la barakiciyo, tallaabadaas oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay.

“Si loo diyaariyo in shacabka laga raro goobaha dagaalka looguna raro koonfurta Marinka Qasa ayaa dib loo bilaabi doonaa keenista teendhooyinka iyo qalab hoy u noqon kara shacabka Qasa,” ayay tiri hay’adda milateriga Israa’iil ee COGAT.

Afhayeen u hadlay maamulka magaalada Qasa ayaa sheegay in barakac ballaaran uu mar hore ka bilowday xaafadda Zaytuun, kadib lix maalmood oo duqeymo cirka ah, madaafiic iyo burburin joogto ah oo Israa’iil ka geysatay halkaas.