Waxqabadka Baanka Dhexe: Xoojinta Horumarinta Kobaca Dhaqaale iyo Nidaamka Maamulka Maaliyada

0
199

Baanka Dhexe iyo dedaalada joogtada ah lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo maaliyadda: Xddunta iskaashiga maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddo kooban ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo ka tarjumaya himilooyinka qaranka ee xoojinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga, fududaynta maalgashiga caalamiga ah, iyo hagaajinta isku xidhka hay’adaha maaliyadeed. Dadaalladan waxaa saldhig u ah hirgelinta xeerar iyo habraacyo cadcad oo lagu xaqiijinayo hufnaanta, daahfurnaanta, iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maydhaanka lacagaha.

Baanku wuxuu xoogga saaray in nidaamka maaliyadeed ee dalka lagu dhiso qaab waafaqsan heerarka caalamiga ah, taasoo muhiim u ah ilaalinta kalsoonida bulshada, soo jiidashada maalgashadayaasha, iyo kobcinta dhaqaalaha. Iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha maaliyadeed iyo sharci-dejiyayaasha ayaa horseeday hab maamul iyo nidaamyo cusub oo wax ku ool ah, kuwaas oo ka hortagaya falalka musuqmaasuqa iyo dhaq-dhaqaaqyada lacagaha sharci-darrada ah.

Sidoo kale, Baanku wuxuu kor u qaaday aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha maaliyadeed, isagoo diyaariyay tababaro iyo barnaamijyo horumarineed oo kor u qaadaya waxtarka shaqada iyo tayada adeegyada maaliyadeed. Tani waxay qayb ka tahay istiraatiijiyadda guud ee Somaliland ee lagu doonayo in lagu gaadho nidaam maaliyadeed oo hufan, xasiloon, isla markaana kaalin mug leh ka qaata horumarinta dhaqaalaha qaranka iyo bulsho.

Hoggaamiyeyaasha Baanka, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Cabdinaasir Axmed Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenka Xamse Cabdiraxmaan Khayre, iyo Agaasimaha Guud Yaasiin Jaamac Axmed, ayaa muujiyay hufnaan, isla xisaabtan, iyo koboc dhaqaale oo la taaban karo. Horumarkan wuxuu sidoo kale caddeyn u yahay go’aanka xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee ah in la helo maamul maaliyadeed oo casri ah, waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah, una furan maalgeshiga caalamiga ah iyo iskaashiga heer gobol iyo caalami. Dadaalladan ayaa ah kuwo muujinaya ifafaale cusub oo la xidhiidha horumarka Somaliland.

Horumarinta Nidaamka Maaliyadeed ee Somaliland:

Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 2025 ka hirgeliyey tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed, iyadoo diiradda la saarayo casriyeynta nidaamka lacag-bixinta, la-dagaalanka maydhaanka lacagaha, dib-u-habaynta shaqada Baanka, iyo xasilinta suuqyada sarrifka.

Horumarinta Habka Lacag Bixinta Qaranka:

Bangiga Dhexe wuxuu xoogga saaray dhisidda iyo hirgelinta kaabayaasha lacag-bixinta qaranka, taas oo fududaysay isku-xidhka adeegyada maaliyadeed ee dalka. Diiwaangelinta iyo kormeerka bixiyeyaasha adeegyada lacag-bixinta ayaa sare u qaaday hufnaanta iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha. Iskaashiga lala yeeshay shirkadaha gudaha iyo kuwa dibadda ayaa kordhiyay helitaanka adeegyo casri ah oo bulshada gaadhsiisan.

La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha iyo Difaaca Dhaqaalaha JSL:

25-ka June 2025, waxaa la qabtay Shirweynihii Qaran ee La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha, shirkaasi wuxuu muujiyay isbeddelka siyaasadeed iyo farsamo ee ay xukuumadda Somaliland ku samaynayso nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay hoggaanka Baanka Dhexe uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan nidaamka caalamiga ah ee la-dagaalanka dhaqaalaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.

Shirka waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Hirgelinta nidaamka aqoonsiga macaamiisha.
  2. Xoojinta xirfadaha shaqaalaha maaliyadeed ee la tacaala maydhaanka lacagaha.
  3. Kor u qaadista wacyiga bulshada ee khatarta maydhaanka lacagaha.

Intaa waxaa sii dheer, tababar rasmi ah oo uu furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe 03-dii July 2025, kaas oo lagu kobcinayay fahamka iyo awoodda shaqaalaha hay’adaha maaliyadeed si ay ula tacaalaan falalka sharci darrada ah ee dhaqaale. Tani waxay sare u qaadayaa kalsoonida dadweynaha iyo maalgeliyeyaasha caalamiga ah ee u hanqal taagaya in ay la macaamilaan Somaliland.

Dib-u-habaynta Bangiga Dhexe

Kulankii uu Bangiga Dhexe ee Somaliland uu qabtay August 10, 2025, ayaa muujiyay go’aanka adag ee casriyeynta iyo dib-u-habaynta hay’adda, iyadoo la ansixiyay qorshayaasha shaqo ee mashruuca SPRING oo taageero ka helaya Bangiga Adduunka. Tallaabadani waxay xoojinaysaa kalsoonida bulshada iyo maalgeliyayaasha gudaha iyo dibadda, waxaana ay astaan u tahay maamul wanaag iyo daahfurnaan.

Dedaallada Joogtada ah ee Xasilinta Suuqa Sarrifka:

Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 8-da May 2025 hirgeliyay wejiga cusub ee siyaasadda lacagta ee “Open Market Operation”, si loo yareeyo cadaadiska sarrifka loona ilaaliyo qiimaha shilinka. Kormeer uu Agaasimaha Guud, Mudane Yaasiin Jaamac Axmed, ku sameeyay suuqa Hargeysa ayaa muujiyay in Baanku si firfircoon ula socdo isbeddellada qiimaha, isla markaana diyaar u yahayna tallaabo degdeg ah oo lagu xasiliyo suuqyada.

Bishii July 2025, Baanku wuxuu qaaday hawlgallo lagu xakameynayo isbeddelada degdegga ah ee qiimaha sarrifka, isagoo kaashanaya khubaro caalami ah si loo hubiyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed.

Tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaadhan oo lagu xoojinayo laguna dhisayo jawi ganacsi oo ammaan ah.

22-ka April 2025, Baanku wuxuu hore u fuliyay hawlgal istiraatiiji ah oo isla nidaamkaas ku saleysan, taas oo sii xoojisay go’aankiisa ku aaddan ilaalinta xasilloonida maaliyadeed iyo dhiirrigelinta wada shaqaynta bulshada si loo gaadho yool dhaqaale oo waara.

Tiirarka Horumarka Maaliyadeed ee Somaliland 2025–2030:

Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa 27-kii July 2025 soo bandhigtay Istaraatijiyadda Shanta Tiir ee hagaysa nidaamka maaliyadeed ee Somaliland shanta sanno ee soo socota. Tiirarkan waxay diiradda saarayaan qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Horumarinta adeegyada maaliyadeed;
  2. Korjoogtaynta hay’adaha maaliyadeed;
  3. Casriyeynta teknoolajiyadda maaliyadeed (FinTech);
  4. Kobcinta xirfadaha shaqaalaha;
  5. Ballaadhrinta helitaanka adeegyada maaliyadeed ee bulshada (financial inclusion).

Istaraatiijiyaddani waxay noqon doontaa tiir-dhexaadka horumarka maaliyadeed ee dalka, iyadoo la filayo in hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinteeda. Falanqaynta istaraatijiyaddan ee Wargeyska Dawan, waxay muujinaysaa in Baanka Dhexe uu qaadayo tallaabooyin si xeel dheer u qorshaysan, oo isku daraya hufnaan maamul, ilaalinta nidaamka maaliyadeed, iyo dhiirrigelinta hal-abuurnimada teknoolajiyadda.

Horumarinta Maaliyadda Islaamiga ah:

Banka Dhexe ee Somaliland ayaa hormuud ka noqday horumarinta maaliyadda Islaamiga ah, isagoo qabanaya kulamo wada-tashi ah, tababarro iyo wacyigelin ku saabsan halbeegyada Dahabka iyo Muraabaxada ee AAOIFI. Tababarradan, waxaa ka qayb galay khuburo sare sida Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Cige iyo Dr. Xasan Sheekh Cali Warsame. Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo fahamka shareecada Islaamiga ah iyo bixinta adeeg maaliyadeed oo hufan oo waafaqsan mabaadi’da Islaamka.

Iskaashiga Banka Dhexe iyo Guddida Sare ee Shareecada:

Kulamo joogto ah oo dhexmaray Bangiga Dhexe iyo Guddida Sare ee Shareecada ayaa sare u qaaday hufnaanta geedi-socodka nidaamkan, isla markaana hubinaya in hawlaha bangiyadu waafaqsan yihiin Shareecada Islaamka.

Sidoo kale, Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa si guul leh u soo gabagabeeyey tababar ku saabsan halbeegyada Dahabka iyo Mudaarabada ee Hay’adaha AAOIFI, Tababarkan ayaa waxaa bixiyey culimo khibrad leh oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Cige, Dr. Xasan Sh.Cali Warsame iyo xubno ka tirsan Guddida Sare ee Shareecada Baanka Somaliland, iyadoo lagu baranayey ka faa’iideysiga xeerarka Shareecada ee dhaqaalaha casriga ah iyo maareynta halbeegyada dahabka iyo mudaarabada.

Xeerarka iyo Shuruucda Maaliyadda:

Kulamo dhexmaray Guddida Sare ee Shareecada iyo Golaha Wakiillada ayaa lagu xaqiijiyey in Xeerka Rahamka Hantida Ma-guurtada uu waafaqsan yahay shareecada Islaamka, taasoo ka tarjumaysa biseylka hay’adaha qaranka iyo ilaalinta mabda’a diinta.

Iskaashiga Caalamiga ah:

Bangiga Dhexe ee Somaliland wuxuu xooga saaray xoojinta iyo dardargelinta xidhiidhka caalamiga ah si loo hormariyo dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Madaxda Bangiga ayaa kulamo la yeeshay hay’ado iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. AfricaNenda: Waxaa lala saxeexday heshiis is fahan (MoU) si loo horumariyo nidaamka lacag-bixinta, helitaanka adeegyada maaliyadeed, iyo taageerada farsamada shaqaalaha.
  2. Saba African Bank: Hoggaanka Baanka Dhexe ee Somaliland iyo madaxda sare ee Saba African Band, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo laga wada-hadlay qodobo ku saabsan arrimaha horumarineed ee maaliyadda iyo dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan maalgeshiga iyo ballaadhinta adeegyada bangiyada gudaha.
  3. Mashruuca SPRING: Hoggaanka sare ee Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo saraakiil ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay horumarinta Mashruuca SPRING, oo ah mashruuc horumarineed oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaasoo ujeedkiisu yahay xoojinta awoodda Bangiga Dhexe iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed ee dalka.
  4. Tether, Sorted Wallet, GEAMT: Masuuliyiinta hoggaaminaya Baanka dhexe ee Somaliland iyo khuburo ka socdasy shirkadahan caalamiga ah ayaa is-fahan ka gaadhay Iskaashi ku saabsan horumarinta maaliyadda dijitaalka ah iyo xawilaadaha lacagta, iyadoo la ilaalinayo sharciyada ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML & CFT).
  5. DP World: Saraakiil sare iyo khuburo ka socday shirkadda caalamiga ee DP World iyo masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland ayaa wada yeeshay kulan istaraatiiji ah, iyaga oo ka wada-hadlay iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo DP World, kaas oo lagaga wada-hadlay qodobo lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada dekedaha, iyo fududeynta ganacsiga.

Doorka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada

Shaqaalaha Bangiga Dhexe ayaa muujiyey mas’uuliyad bani-aadamnimo oo heer sare ah, iyaga oo ka qayb qaatay hawlaha gurmadka abaaraha. Shaqaaluhu waxay deeq lacageed oo dhan 120 milyan oo shilin ku wareejiyeen Guddida Gurmadka Abaaraha. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, ayaa 2-da August 2025, si rasmi ah u gudbiyay deeqdan, taasoo ahayd deeqdii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ka timaadda shaqaale dawlad ah.

Joogtaynta Kormeerka iyo Korjoogtaynta:

Safarro iyo kormeerro lagu tagay gobollada dalka, ayaa xoojinaya wada shaqeynta Bangiga Dhexe iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka. La-taliyeyaasha caalamiga ah ayaa gacan ka geysta hirgelinta nidaamyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ka-qaybgalka Fagaarasha Caalamiga ah:

Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu ka qeyb galay shirar caalami ah oo kor u qaadaya sumcadda dalka iyo isdhexgalka nidaamka maaliyadeed ee dunida. Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa 2025 ka qayb galay kulamo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirarkii AAOIFI oo ka qabsoomay dalka Baxrayn iyo shirkii IADIARC ee Kenya, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee shareecada ku saleysan iyo xoojinta kalsoonida bangiyada.

Gunaanad

Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu si dhab ah u hoggaaminayaa isbeddelka nidaamka maaliyadeed ee dalka, isagoo la yimid qorsheyaal istaraatiiji ah, hoggaan hufan, iyo nidaamyo lagu dhisayo kalsoonida gudaha iyo tan caalamiga ah. Casriyeynta nidaamka lacag-bixinta, la-dagaalanka maydhaanka lacagaha, xasilinta suuqyada sarrifka, iyo dib-u-habaynta hay’adeed waa dhismayaal muhiim u ah in Somaliland ay yeelato dhaqaale sugan oo kobcaya.