Xamaas ayaa ogolaatay soo-jeedintii ugu dambeysay ee dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ku saabsan xabad-joojin iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Qasa, sida uu BBC-da u sheegay ilo-wareed ka tirsan kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta. Soo-jeedintan oo ka timid Masar iyo Qadar ayaa la sheegay inay ku saleysan tahay hindise uu bishii Juun soo bandhigay ergayga Mareykanka ee Steve Witkoff.
Qorshuhu wuxuu dhigayaa in Xamaas sii deyso ku dhowaad kala bar 50-ka la hayste ee Israa’iil – iyadoo 20 ka mid ah la aaminsan yahay inay nool yihiin – kuwaasoo lagu sii deynayo inta lagu jiro xabad-joojinta 60 maalmood ah. Waxaa sidoo kale jiri doona wadahadallo ku saabsan xabad-joojin joogto ah. Lama caddeyn waxa ay noqon doonto jawaabta Israa’iil, maadaama xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu toddobaadkii hore sheegay in uu ogolaan doono heshiis keliya haddii “dhamaan la haystayaasha hal mar la sii daayo.”
Muuqaal la sii daayay ka dib markii ay Xamaas ogolaatay qorshaha, Raysalwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si toos ah ugama hadlin, balse wuxuu yidhi: “Waxaad ka fahmi kartaa hal shay Xamaas cadaadis weyn ayaa saaran.” Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Israa’iil, Jeneraal Eyal Zamir, isna wuxuu sheegay in dagaalkii socday 22-ka bilood uu marayo meel isbeddel ah, isagoo intaas ku daray in la kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah Xamaas ee magaalada Qasa.
Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan magaalada Qasa ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil oo ay taageerayaan duqeymaha cirka iyo madaafiic ay si lama filaan ah u galeen xaafadda koonfureed ee Sabra, halkaas oo ay ku hareereeyeen iskuulo iyo xarun caafimaad oo ay QM maamusho, kuna sugan yihiin boqolaal qof oo barakacayaal ah.
Usbuucan gudihiisa, waxaa la filayaa in golaha wasiirrada Israa’iil ay ansixiyaan qorshaha ciidamada ee lagu doonayo in si buuxda loogu qabsado magaalada Qasa, halkaas oo weerarro sii xoogeysanaya ay horey uga qasbeen kumannaan qof in ay ka cararaan.
Netanyahu wuxuu ku dhawaaqay in Israa’iil ay ballaarin doonto weerarkeeda, isla markaana ay qabsan doonto guud ahaan Qasa – xitaa meelaha ay dad badan oo ka mid ah 2.1 milyan reer Falastiin ah ay u qaxeen ka dib markii wada-xaajoodyo dadban oo ay Xamaas kula jirtay heshiis xabbad-joojin ah ay burbureen bishii hore. Wafdi ka socda Xamaas oo uu hoggaaminayo madaxa wada-hadallada kooxda, Khalil al-Hayya, ayaa tan iyo toddobaadkii hore ku sugnaa magaalada Qaahira, halkaas oo ay kula kulmayaan dhexdhexaadiyeyaasha ay u muuqato fursad cusub oo heshiis lagu gaadho.
Isniintii, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC u sheegay in wafdigu uu dib u eegayo soo jeedin xabbad-joojin ah oo cusub oo ay heleen maalintii ka horreysay. Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdul Raxman Al Thani, ayaa isna booqday caasimadda Masar si uu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, “cadaadis ugu saaro labada dhinac inay sida ugu dhaqsaha badan ku gaadhaan heshiis.”
Abdelatty oo booqasho ku tegay xuduudda Rafah ee Qasa, ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo gaadho xabbad-joojin si loo yareeyo dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira dhulka Falastiiniyiinta. Wuxuu sheegay in xaaladda ka jirta halkaas ay tahay “mid aan la qiyaasi karin.” Isniintii ilo-wareed ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da in kooxdu ay u gudbisay dhexdhexaadiyeyaasha jawaab qoraal ah oo ay ku oggolaatay soo jeedinta xabbad-joojinta iyada oo aan wax wax-ka-beddel ah ama shuruudo ah lagu darin.
Sida uu sheegay mas’uul Falastiini ah oo si dhow ula socda wadahadallada, soo jeedintani waxay la mid tahay tii uu laba bilood ka hor soo jeediyay Steve Witkoff, taas oo Xamaas ay markaas diiday.
Witkoff wuxuu soo jeediyay xabbad-joojin 60 maalmood ahayd taasoo lagu sii deynayo 10 maxbuus oo nool oo Xamaas hayso iyo maydadka 18 kale oo la haysto, taas beddelkeedna lagu sii deynayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee xabsiyada Israa’iil ku jira. Waxa uu sidoo kale sheegay in inta xabbad-joojintu socoto la bilaabi doono wadahadallo dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Habeenimadii Axadda, boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv iyaga oo dalbanaya in dowladdoodu ay heshiis la gasho Xamaas si loo soo afjaro dagaalka loona soo celiyo dhammaan la haysteyaasha. Qoysaska la haysteyaasha ayaa ka baqaya in weerar kale oo laga qaado magaalada Qasa uu khatar gelin karo kuwa halkaas lagu haysto. “Waxaan ka baqayaa in wiilkayga waxyeello soo gaadhto,” ayuu yidhi Dani Miran, oo wiilkiisa 48 jirka ah, Omri, la haysto muddo 682 maalmood ah.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa ku eedeeyay dadka mudaharaadaya in ay adkeeyeen mowqifka Xamaas ee wadahadallada. Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale Isniintii ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, xilli ay mudaharaad ka dhigayeen magaalada Qasa. “Xamaas iyo waxa ay dalbanayaan, iyo waxa lagu wada xaajoonayo, ma matalaan aniga. Waxaan rabaa in aan ku noolaado nabad. Waxaan rabaa nafis. Dalabkayaga kaliya waa nabad iyo badbaadada carruurteenna,” ayay tidhi haweeney u warramaysay wariye madaxbannaan oo BBC-da la shaqeeya
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada ku qoray: “Markakaliya ee la heli doona la haysteyaasha haray, waa marka Xamaas la wajaho oo la burburiyo!!! Haddii arrintaas si degdeg ah loo sameeyo, fursadaha guusha waa ay sii kordhayaan.”






















