Guulaha ay wasaaradda caafimaadku gaadhey ee ka turjumaya dadaalka lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee dalka

0
399

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu si kooban ugu eegi doonaa waxqabadyo muhiim ah oo toddobaadkan ay qabatay wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, kuwaas oo ka turjumaya dadaalka lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee dalka,  waxa muuqata in wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo kor u qaadaya adeegyada caafimaadka, tababarka shaqaalaha, iyo tayeynta agabka caafimaad.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo hay’adda UNFPA ayaa qabtay tababar heer qaran ah oo socday 11 maalmood, kaas oo lagu baranayey maamulka sahayda caafimaadka, kaydka iyo bakhaarada, tababarka waxa ka faa’iidaystay shaqaale caafimaad oo ka kala yimid lixda gobol ee dalka.

Shaqaalaha xarunta dhexe ee talaalka ee gobolka Awdal ayaa loo qabtay tababar 4 maalmood ah oo ku saabsan falanqaynta xogta caafimaadka iyo adeegsiga nidaamka DHIS2, si loo horumariyo adeegyada talaalka gobolka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa magaalada Hargeysa, ku  qabatay shir Qaran oo lagaga hadlay mudnaanta Caafimaadka 2026 ilaa 2027, shirkan ayaa mudadii uu socday waxa diirada  lagu saaray qorshaha caafimaadka labada sano ee soo socoda

Shirkan waxaa ka qaybgalay hay’adaha taageera caafimaadka, waxaana lagu go’aamiyey jihada ay adeegyada caafimaad ee dalka u socon doonaan.

Agaasimaha cisbitaalka Qaaxadda ee magaalada Hargeysa, ayaa xilkii la wareegay, munaasabad xil-wareejinta ayaa lagu qabtay cisbitaalka Qaaxadda Hargeysa, halkaas oo ay xilka kula kala wareegeen agaasimaha cusub iyo kii hore.

Mas’uuliyiinta ka qaybgalay waxay bogaadiyeen dadaalka agaasimihii hore iyo rajada laga qabo in agaasimaha cusub horumar sii wado.

Cisbtaalka guud ee magaalada Borama ayaa loogu deeqay qalab casriya oo loogu tallo galey in lagu daryeelo caruurta,  waxaana ku wareejisay hay’adda IOM, qalabkani ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonaa badbaadinta nololaha ilmaha nugul.

Masuuliyiinta caafimaadka gobolka Awdal ayaa kormeer ku sameeyey qaybo ka mid ah Cisbitaalka Boorama, gaar ahaan qeybta kalyaha lagu sifeeyo iyo qaybta oksijiinta, waxay ballanqaadeen in si degdeg ah wax looga qaban doono baahiyaha jira.

Munaasabad ballaadhan ayaa lagu qabtay Boorama oo lagu kala wareejiyey xilalka isu’duwaha cusub ee wasaaradda caafimaadka ee Awdal iyo agaasimaha cusub ee Cisbitaalka guud ee magaalada Borama, mas’uuliyiin badan ayaa ka qaybgalay munaasabadda.

Shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee Togdheer iyo Oodweyne ayaa ka faa’iideystay tababar laba maalmood socday oo ku saabsan tallaalada cusub ee lagaga hortago Shubanka iyo Oof-wareenka, tababarkani waxa uu gacan ka geysan doonaa gaadhsiinta adeegyada tallaalka ee bulshada.