Dowladda Iiraan ayaa markale dib u bilowday wadahadallo la xidhiidha barnaamijkeeda tamarta Nukliyeerka, iyada dowladda Iiraan ay sheegtay in wasiirkooda arrimaha dibadda Cabbaas Araqchi uu wada-haddlo la yeelan doono dhigiisa waddamada Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska si looga hortago in mar kale dib loogu soo rogo cunaqabateyn caalami ah oo ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka dalkaas. Sidoo kale wada-xaajoodkan ayaa la sheegay in lagu gorfayn doono xaaladda hakadka gashay ee dib u furista wadahadallada la xidhiidha in Iiraan ay joojiso horumarinta hubkeeda nukliyeerka.
Wadahadalladan ayaa yimid xilli ay si weyn cirka isugu shareereex xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed, iyada oo ay gobolka ka jirto khilaafaad siyaasadeed iyo awood kala riixasho baaxad weyn leh, taas oo sababtay in ay hubanti la’aan geliso xasiloonida siyaasadeed ee gobolka, taasoo ka dhalatay walaaca reer Galbeedka ee ku saabsan in Iiraan ay horumarinayso hubka Nukliyeerka.
Wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in wadahadalladan ay dhinacyadu diiradda ku saari doonaan: Xaaladda barnaamijka nukliyeerka Iiraan, cunaqabataynta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay saareen dalka Iiraan iyo suurtogalnimada in dhinacyadu ay dib-u-bilaabaan wadahadalladii hore ee la xidhiidhay heshiiskii 2015 (JCPOA).
Reer Yurub waxay ku hanjabeen in haddii Iiraan aanay ku soo laaban miiska wada-xaajoodka, ay markale cusboonaysiin doonaan cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Iiraan saarneyd ka hor heshiiskii nukliyeerka ee 2015.
Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa si isku mid ah u muujiyay walaac xoogan oo ku saabsan in Iiraan ay adeegsaneyso barnaamijkeeda nukliyeerka si ay u horumariso hub wax gumaada, inkasta oo aanay jirin caddeymo toos ah oo muujinaya in Iiraan ay bilaabayso farsamaynta hub nukliyeer ah.
Wasiirro iyo madax sare oo reer Galbeed ah ayaa sheegay In kordhinta uruurinta maadadada uranium-ka ee Iiraan ay tahay mid shaki galinaysa ujeeddooyinka barnaamijka iyo in Iiraan ay si ula kac ah uga baxayso waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii JCPOA.
Dhanka kale, hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ayaa xaqiijisay in Iiraan aanay si toos ah u bilaabin wax qorshe ah oo lagu farsameynayo hub nukliyeer ah, inkasta oo ay jirto korodh la ogyahay oo ku yimid uruurinta uranium-ka heer sare ah. Agaasimaha sirdoonka qaranka Mareykanka, Tulsi Gabbard, ayaa bishii March 2025 sheegay in saraakiisha sirdoonka Mareykanka aanay haynin wax caddeyn ah oo muujinaya in Iiraan ay si dhab ah u guda gashay horumarinta hubkeeda nukliyeer ah. Sidaas darteed, waxa la ogyahay waa in barnaamijka Iiraan uu yahay mid sare u kacaya, balse ujeeddadiisa weli ay tahay mid muran ka taagan yahay.
Wadahadalladan cusub ee u dhexeeya Iiraan iyo saddexda waddan ee reer Yurub ayaa noqon kara tallaabo muhiim ah oo dib u furta rajadii diblomaasiyadeed ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo laga fogaanayo waddada cunaqabateynta iyo colaadda. Si kastaba, labada dhinac: Iiraan iyo quwadaha reer Galbeedku waxay wajahayaan caqabado siyaasadeed oo gudaha ah iyo kalsooni darro labada dhinac ba ka muuqata.
Waxaa jiray wada-haddalo hore oo la xidhiidha barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, kaas oo u dhexeeyay dawladaha Mareykanka iyo Iiraan, balse wadahadalladaas ayaa istaageen kadib weerarro lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iiraan bishii June, oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel. Tan iyo markaas, kormeerayaasha hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) may helin oggolaansho ay ku booqdaan xarumahaas.
Xaaladda barnaamijka nukliyeerka Iiraan ayaa mar kale cirka isku sii shareeraysa iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhex jiro Iran iyo quwadaha reer galbeedka. Talaabo kasta oo la qaado todobaadyada soo socda waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah.






















