Dawladda Uganda oo Ogolaatay in ay Qaabisho Muhaajiriinta laga soo Masaafurinayo USA

0
204

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay la saxiixatay heshiis kumeel gaadh ah dowladda Maraykanka, kaas oo oggolaanaya in dalka Uganda lagu martigeliyo qaar ka mid ah magangalyo-doonno laga soo masaafurinayo Maraykanka. Heshiiskan ayaa yimid iyadoo uu sii xoogeysanayo cadaadiska siyaasadeed ee gudaha Maraykanka ee la xidhiidha xakamaynta socdaalka iyo tarxiilidda dadka aan helin magangalyo sharci ah.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda, heshiiskan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya dadka loo yaqaan “Third Country Nationals”, kuwaas oo aan ahayn muwaadiniin Mareykan ah ama Ugandhees ah, kana yimid dalal kale oo Afrikaan ah. Dadkaasi waa magangalyo-doon aan helin oggolaansho in ay degaan Maraykanka, islamarkaana aan doonayn ama awoodin in ay ku noqdaan waddankoodii.

Shuruudaha lagu xulanayo dadka la keenayo Uganda waxaa ka mid ah: In qofka aanu lahayn wax dambi ah ama warbixino la xidhidha xukun hore oo ku dhacay, in aanay ahayn carruur aan la socon waalid ama mas’uul iyo in la tixgeliyo dadka kasoo jeeda dalalka Afrika, kaas oo dhigaya in dadka la geynayo dalka Ugandas ay noqdaan oo kaliya dad asal ahaan ka soo jeeda qaarada Afrika, iyadoo Uganda mudnaanta siinayso kuwa ku abtirsada qaaradda.

Soo Ifbaxa Heshiiska iyo Isbedelka Hadalka Dowladda: Inkasta oo warar hore oo soo baxay 20-kii bishan August ay sheegeen in Uganda ay beenisay jiritaanka heshiiskan, haddana shalay ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Uganda si rasmi ah u shaacisay in heshiiskani uu jiro, balse uu yahay “ku meel gaadh”, iyadoo weli lagu guda jiro qaab-dhismeedka heshiiskan iyo dejinta faahfaahinta ku saabsan qaabka loo fulinayo.

Falcelinno iyo Dood Caalami ah: Heshiiskan ayaa dhaliyay dood ballaadhan oo la xidhiidha Xuquuqda Aadanaha, ururada u dooda xuquuqda dadka magangalyo-doonka ah ayaa ka digay in heshiiskani uu jebin karo mabaadi’da caalamiga ah ee “non-refoulement”, taas oo mamnuucaysa in qof lagu celiyo meel ama dal halis ku ah naftiisa ama xorriyaddiisa.

Dhaqaale iyo Kaabayaal: Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay awoodda Uganda ay u leedahay in ay si sharaf leh ugu adeegto dadka la keeni doono, maadaama aanay jirin taageero dhaqaale oo faahfaahsan oo la shaaciyey, isla markaana heshiiska aan wali lagu sheegin in dawladda Maraykanku ay bixinayso taageero dhaqaale oo loogu talo-galay in lagu maareeyo nolol maalmeedka dadkaas loo masaafurinayo dalka Uganda si loogu daryeelo noloshooda.

Muran Siyaasadeed: Gudaha Uganda, qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay u adeegayso danaha dibadda, iyagoo ku andacoonaya in arrintani ay tahay mid sumcad raadis ah, gaar ahaan iyadoo doorashooyin ay soo socdaan sanadka 2026.

Heshiiska dhexmaray Maraykanka iyo Uganda ee la xidhiidha qaadashada magangalyo-doon laga soo tarxiilayo Mareykanka ayaa astaan u ah isbeddelka siyaasadeed ee socdaalka ee labada dal. In kasta oo la sheegay in la dejinayo hannaan sharci iyo amni oo adag, haddana wali waxaa jira walaac xoogan oo ku saabsan xeerarka caalamiga ah, xuquuqda dadka la keenayo, iyo awoodda Uganda ay u leedahay martigelinta dadkaasi.