Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa mar kale galay marxalad halis ah kadib weerar cirka ah oo xooggan oo Ruushku ku qaaday magaalooyin badan oo dalka Ukraine ah. Weerarkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu culusaa tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya labada dal, billowgii xagaagan, taas oo muujinaysa sida uu dagaalku u sii daba dheeraanayo, inkasta oo ay jiraan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu gaadho xabbad-joojin rasmi ah.
Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine, toddobaad gudihiis, ciidamada cirka ee Ruushka ayaa gudaha dalka Ukraine ku garaacay ku dhowaad 600 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee iyagu is-wada (drones) iyo 40 gantaal. Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goobaha saldhigyada milatariga, kaabayaal dhaqaale sida xarumaha korontada, sidoo kale waxa la sheegay in weeraradan lala beegsaday goobo rayid ah oo ay ku jiraan xaafado dadku ku nool yihiin.
Weerarradani waxaa si gaar ah u saameeyeey gobollada Lviv iyo Transcarpathia, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee dalka Ukraine. Hal qof ayaa ku dhintay magaalada Lviv, halka 15 qof oo kale ay ku dhaawacmeen Transcarpathia. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in khasaaruhu intaas ka badan karo, maadaama ay wali socdaan baadhitaanno.
Weerarkan cusub ayaa la sheegay in uu sababay burbur ballaadhan oo gaadhay xarumaha adeegyada muhiimka ah sida koronto iyo biyo iyada oo Koronto la’aan baahsan laga soo sheegay magaalooyin ay ku jiraan Kyiv, Dnipro iyo Lviv.
Gobolada iyo magaalooyinka weeraradan cusub lala beegsaday ayaa la sheegay in ay cirka isku shareertay cabsida ay qaqbaad dadweynaha deegaankaasi ku nool, iyada oo ay dad badani ay ka barakaceen mar kale halkaas. Mas’uuliyiinta gargaarka ayaa ka digay in xaaladda bani’aadamnimo ee gudaha Ukraine ay halis gelin karto malaayiin qof haddii weerarradani ay sii socdaan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa weerarka ku tilmaamay “xasuuq cusub oo lagula kacayo shacabka rayidka ah.” Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in la kordhiyo taageerada militari ee Ukraine, gaar ahaan nidaamyada difaaca circa, sidoo kalena loo baahan yahay gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah iyo in la kordhiyo cadaadiska diblomaasiyadeed ee caalamiga ah si cadaadis siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo caalami ah loo saaro Moscow.
“Ruushku wuxuu isku dayayaa inuu jabiyo adkeysigeenna, balse shacabka Ukraine marnaba ma quusan doonaan,” ayuu yidhi Zelenskyy isaga oo la hadlayay shacabka dalkiisa.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in weeraradaasi ay ahaayeen kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo istiraatiiji ah oo milatari, iyadoo lagu difaacayo amniga qaranka Ruushka. Moscow ayaa mar kale eedda dusha ka saartay Kyiv, iyagoo ku andacoonaya in Ukraine ay waddo weerarro khatar ku ah amniga qaranka Ruushka iyo nabadgelyada xuduudaha dalkooda. Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imanaya goobaha la beegsaday ayaa muujinaya burburka ka dhacay xaafado rayid ah, taasoo su’aalo ka keeneysa sheegashada Ruushka.
Weerarkan culus ayaa ku soo beegmaya xilli uu socday dadaal diblomaasiyadeed oo ay hormuud u ahaayeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo Madaxweynaha Turkiga, si xabbad-joojin rasmi ah loo gaadho. Laakiin falalka milatari ee Ruushka ayaa hoos u dhigay kalsoonidii wadahadalka, iyadoo Kiev ay sheegtay in “aanay wax wadahadal ah dhici karin inta weerarada noocan oo kale ahi ay socdaan.”
Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan, wuxuuna ballan qaaday taageero dheeri ah, oo ay ku jiraan gantaallo difaac ah iyo sahay milatari. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in Ruushka uu jebinayo xeerarka dagaalka caalamiga ah, kuwaas oo sii kordhin doonaan cunaqabateynta ay ku soo rogeen Moscow. Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday labada dhinac inay xakameeyaan colaadda, loona oggolaado in gargaar bani’aadamnimo si nabad ah ku gaasho dadka ku dhibban dagaalka.
Iyadoo weerarkan uu astaan u yahay sii hurinta colaadda, shacabka Ukraine ayaa wajahaya culeys cusub oo ka dhashay burburka, barakaca, iyo cabsi joogto ah. Diblomaasiyiinta caalamka ayaa si weyn uga walaacsan in xasillooni darrada hadda jirta ay u horseedi karto dagaal weyn oo ka baxsan xuduudaha Ukraine. Waxay bulshada caalamku si gaar ah isha ugu hayaan in dunidu ay qaadi doonto talaabo muuqata iyo in silsiladda dagaalku ay sii socon doonto iyadoo dad rayid ah ay weli yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu kasoo gaadhayso.






















