Burco: Daahfurka Mashaariicda Taariikhiga ah oo si Weyn u Kaabaya Mustaqbalka JSL

0
148

Dawan Staffe

Burco (Dawan)- Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu ku tegay magaalada Burco ayaa noqotay mid calaamad u ah wejiga cusub ee horumarka Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah u dhagax-dhigay una daah-furay mashaariic horumarineed oo taabanaya nolosha dadweynaha, oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, biyaha, ciyaaraha iyo kaabeyaasha wadooyinka. Tallaabooyinkan waxay astaan u yihiin isbeddel dhab ah oo ku saleysan falsafadda maamul-daadejinta, halkaas oo horumarku uu ka bilaabmayo meelaha sida taariikhiga ah u dayacan.

Waxaa aad u xiiso badan in mashaariicda laga hirgeliyey magaalada Burco aanay ahayn kuwo ku dhisan muuqaal siyaasadeed oo ujeeddo gaar ah xambaarsan, balse ay yihiin tallaabooyin si cilmi ah loo qorsheeyey, laguna saleeyey falanqayn dhab ah oo ku saleysan baahiyaha bulshada. Horumarkan la taaban karo waxa uu muujinayaa falsafad cusub oo dawladeed, taas oo ku dhisan sinnaanta gobollada, caddaaladda adeegyada, iyo in gabi-ahaanba laga fogaado oo si rasmi ah oo suuliyo hannaankii hore ee ay adeegyada dawladdu ku koobnaayeen caasimadda oo keliya. Waa siyaasad qaran oo ballaadhan oo fure u noqon karta kalsooni qaran iyo midnimo bulsho.

Tallaabooyinkani waxay dhisayaan nidaam dawladnimo oo sal adag leh, kaas oo laga dareemi karo meel kasta oo dalka ka mid ah. Guusha dhabta ah iyo mihiimadda xukuumaddu siinayso mashaariicdan waxaa muujinaya hannaanka sare ee loo maareeyay hirgelintiisa, taas oo gaadehsiisan ilaa heer Madaxweyne iyo maarayn xirfadeed ee la siiyo. Marka la eego goobta laga bilaabay iyo duruufaha ka jira deegaanka, Burco waxay maanta noqotay tusaale ifaya oo muujinaya in dawlad si dhab ah ugu adeegaysa shacabka ay u suurtagelin karto horumar muuqda, xitaa iyadoo aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Qodobka ugu weyn ee safarkan wuxuu ahaa dhagax-dhigga cusbitaal casri ah oo takhasusyo badan leh, kaasoo noqon doona isbitaalka ugu weyn uguna qalab iyo aqoon sarreeya Somaliland iyo guud ahaan mandaqada. Mashruucan waxaa maalgelinaya Amiirka Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, waxaana lagu magacaabi doonaa isaga. Ujeeddada cusbitaalka cusub waa in lagu bixiyo adeegyo caafimaad oo heer caalami ah, si loo joojiyo baahida caafimaad ee ay dadku dibadda u aaddaan. Tani waa tallaabo muujinaysa sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in adeegyada caafimaadka tayadooda kor loo qaado, si loo ilaaliyo nolosha shacabka meel kasta oo ay joogaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro wuxuu si rasmi ah u daah-furay mashruuca biyo-ballaadhinta magaalada Burco. Mashruucan ayaa lagu kordhinayaa awoodda biyo-siinta magaalada si ay dadweynuhu u helaan biyo nadiif ah, tayo leh, ku filan oo la awoodi karo. Biyo yaraantu waxay weli tahay caqabadda ugu weyn ee horumarka ka hor taagan guud ahaan Geeska Afrika. Sidaas darteed, mashruucani wuxuu muujinayaa dawlad u aragta horumar iyo nolol siman inay saldhig u tahay siyaasaddeeda.

Intaas waxaa sii dheer, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska iyo casriyeynta Garoonka Ciyaaraha kubadda Cagta ee Alamsey, oo ah garoon taariikhi ah oo dhallinyarada reer Burco ay si gaar ah u garanayaan. Mashruucani wuxuu ahmiyad weyn u leeyahay dhallinyarada, is-dhexgalka bulshada iyo caafimaadka dadweynaha, wuxuuna ka mid yahay qorshaha guud ee lagu horumarinayo ciyaaraha iyo kaabeyaasha dhaqanka ee dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jaray waddo cusub oo dhererkeedu yahay 19 KM, taas oo ay fulisay Dawladda Hoose ee magaalada Burco. Waddadan cusub waxay wax weyn ka beddeli doontaa isku socodka gudaha magaalada, waxayna si toos ah u saameyn doontaa koboca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Madaxweyne Cirro: Aragti Horumarineed oo Ku Saleysan Cadaalad:

Tallaabooyinkan uu qaaday Madaxweyne Cirro ayaa muujiyey aragti siyaasadeed oo ku wajahan horumar ballaadhan oo dalka oo dhan laga dareemo. Dedaalladiisu waxay si cad u tilmaamayaan in hoggaanka cusub ee Somaliland uu si qoto dheer u fahmay muhiimada adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, biyaha, ciyaaraha, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashaariicdan, marka si guud loo eego, waxay muujinayaan hannaan dawladnimo iyo maaamul-daadejin dhab ah iyo dawlad u heelan in ay furto bog cusub oo ku dhisan caddaalad, sinnaanta gobollada, iyo horumar loo siman yahay. Maaha kaliya dhismooyin la dhagax-dhigay ama waddooyin la furay. Waa faririn siyaasadeed oo cad oo u diraysa bulshada Somaliland in mar kale la xaqiijinayo in gobollada dalka aan la hilmaami doonin, lagana shaqaynayo horumar siman oo gaadhaya dhammaan degmooyinka.

Burco: Tusaalaha Horumarka Qaranka:

Burco waxay maanta noqotay halkii laga bilaabay dhabbaha horumar waara. Madaxweyne Cirro waxa uu muujiyey in xukuumaddiisa ay si dhab ah uga go’an tahay in la xoojiyo kalsoonida shacabka, la kobciyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana la dhiso nidaam qaran oo ku dhisan waxqabad muuqda, caddaalad, iyo sinnaanta adeegyada.

Waa bilowga rejo cusub oo ay ku diirsadeen guud ahaan shacabka reer Somaliland, waa jid horumarineed oo cusub una baahan in la sii xoojiyo, la sugo, lagana dhigo nidaam joogto ah oo sal u noqda mustaqbal cusub oo midnimo iyo horumar lagu dhisayo. Haddii hannaankan cusub la sii wado, Somaliland waxay yeelan doontaa qaab-dawladeed oo la isku halayn karo, isla markaana tusaale u noqon kara dalal badan.

Gunaanad:

Mashaariicda laga fuliyey Burco kama tarjumayaan dhagax-dhig iyo xadgig-jaris uun. Waa calaamad siyaasi ah oo caddaynaysa in dawladnimo dhab ah la gaadhsiin karo shacabka meel kasta oo ay joogaan. Waxay xasuusinaysaa in kalsoonida shacabka lagu kasbado ficil, ee aan lagu helin hadal kaliya. Waxa kale oo ay iftiiminaysaa sida ay Jamhuuriyadda Somaliand u noqon karto tusaale muuqda oo muujinaya hoggaan hufan, maamul caddaalad ku dhisan, iyo horumar si mas’uuliyad leh loo hagi karo.