Wershadda Dahabka Cirshiidda: Guulaha Taariikhiga ah ee JSL

0
135

Dawan Staffe

Burco (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si joogto ah uga tallaabsanaysa horumar muuqda oo dhinacyo badan leh, taas oo ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee lagu faani karo. Mid ka mid ah tallaabooyinkaasi waa daahfurka wershadda dahabka ee ugu weyn Geeska Afrika, taas oo ay maalgelisay shirkadda Xididmadow kuna taalla deegaanka Cirshiida ee gobolka Sanaag.

Wershaddan muhiimka ah waxaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, taas oo calaamad u ah in Somaliland ay sii waddo horumarka xoogan oo la xidhiidha dhinaca warshadaha macdanta iyo dhaqaalaha.

Mashruucani wuxuu matalayaa dadaal muuqda oo lagu horumarinayo adeegyada dhaqaalaha dalka, iyadoo la abuurayo shaqooyin cusub, la kordhinayo dakhliga dowladda, isla markaana la dhiirrigelinayo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah. Horumarka wershaddan ayaa si cad u muujinaya sida Somaliland ay uga go’antahay in ay si waarta uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Daahfurka wershaddan dahabka ah waa mid dhiirrigelinaya kalsoonida maalgashadayaasha, sidoo kalena kor u qaadaya sumcadda Somaliland ee dhinaca maalgashiga iyo horumarka. Waxaa sidoo kale muhiim ah in mashruucan lagu maamulayo si hufan, iyadoo la ilaalinayo ammaanka shaqaalaha, deegaanka, iyo sharciyada dalka si loo hubiyo in horumarkaasi noqdo mid waara oo bulshada oo dhami ay ka faa’iideysato.

Guushan taariikhiga ah waxay u tahay Somaliland fursad cusub oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhiso mustaqbal ifaya oo ku dhisan maalgashi iyo horumar waara.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo hoggaaminayay wefti shaqo oo horraantii bishan August 2025, gaadhay gobolka Sanaag, ayaa tallaabadan muhiimka ah ka dhigay mid dhiirrigelin u ah maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah ee Somaliland.

Kulamadii wasiirka iyo weftigiisu la yeesheen maamulka shirkadaha iyo bulshada deegaanka ayaa muujinaya sida muhiimka ah ee loo tixgelinayo wada-shaqaynta xukuumadda iyo ganacsatada maxaliga ah, taas oo xoojinaysa isla markaana muhiim u ah horumarka macdanta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka ee guud ahaan bulshada Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka iyo weftigiisa ayaa taageero raashin ah gaadhsiiyay dadka ay abaartu saameysay, taas oo ah mid tilmaamaysa in masuuliyiintu ay garab taagan yihiin bulshada, taas oo ah astaamo muujinaya dowlad masuuliyad leh oo ka warhaysa baahiyaha shacabka, gaar ahaan xilliyada adag.

Guushani waa mid lagu faani karo, waxayna noqon kartaa tusaale ku dayasho leh oo dhiirrigelin u noqda maalgashadayaasha kale ee xiiseynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha ballaadhan ee Somaliland iyo khayraadka dihin ee ay qaniga ku tahay.