Dadka Japan ayaa ah kuwo ka cimri dheer caalamka intiisa kale, iyada oo raga cimirgoodu gaadho ilaa 86 sanno , dumarkana ilaa 90 sanno.
Dadka reer japan ,waxay dhakhaatiirta booqdaan 12 jeer sannadkii, iyaga oo doonaaya inay la socdaan xaaladooda caafimaad, waana mid ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale ee caalamka.
Dadka Japan waxay ku dedaalaan raashinka ay cunayaan inuu noqdo mid dheeli tiran.
waxaanay hilibka ku bedeshaan Kaluunka, Saliidana Caano, waxa kale oo ay aad u cunaan Bariiska, Shaaha, Fuulka, dhirta badda iyo khudaarta kale ee faraha badan kalana duwan.
Sababaha keenay cimrigaasi dheer aya la sheegay iny tahay iyagoo dadkaasi ay iskaga ilaaliyaan werwerka, oo goor kastana mashquul yihiin. iyadoo Caafimaadka dalkaasi uu yahay mid aan wax lacag laga qaain bulshada. Wasaaraadda caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in tirada dadka da’doou dhaaftay 100 sano ay gaadhay 95000 qof. (Nippon Times)

























