Daafaca reer Denmark Andreas Christensen ayaa ka maqnaa tababarkii shalay ee Barcelona, sida ay warisay Mundo Deportivo. Xiddigan ayaa ciyaartii ay Blaugrana 3-2 kaga badisay Levante sabtidii, ka soo galay kursiga keydka daqiiqaddii 76-aad, balse shalay waxaa loo oggolaaday inuu nasto kaddib markii uu dareemay xanuun yar. Tababaraha kooxda, Hansi Flick ayaa fasax siiyay. Barcelona waxay tababarkeeda xiga qaban doontaa Arbacada, iyadoo la filayo in Christensen dib ugu soo laabto. Waxaa xusid mudan in Christensen uu xilli ciyaareedkii hore inta badan dhaawac kaga maqnaa, isagoo shan bilood uga maqnaa garoomada dhaawac ka soo gaadhay seedda kubka, kadibna dhaawac muruq ah iyo soo noqosho kale oo durba kulamo badan uu ku seegay kadib dhaawac kale oo soo gaadhay
Home Barnaamijyada ciyaaraha Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambeysa In Christensen Uu Seego Tababarkii Maanta...

























