Weeraryahanka Manchester City, Omar Marmoush, ayaa si weyn u ammaanay tababaraha kooxda Josep Guardiola, isagoo ku tilmaamay inuu yahay tababaraha ugu wanaagsan adduunka. Marmoush ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu fursad u helo inuu barto Guardiola, kaas oo uu ku tilmaamay mid leh aragti cajiib ah iyo awood uu ciyaartoyda ku fahamsiiyo ciyaarta iyo xeeladaha. “Waa wax aan caadi ahayn in aad la shaqeyso tababaraha ugu fiican adduunka oo aad mar walba isku daydo inaad ka barato, fahanto sida uu u sharxo ciyaarta iyo xeeladaha,” ayuu yidhi Marmoush. “Wuxuu wax walba u sharxaa si fudud oo kaa caawinaya fahamka ciyaarta iyo horumarkaaga. Jacaylkiisa ciyaarta, tababarka maalin kasta, iyo kulamada – waxey kugu riixeysaa inaad awooddaada oo dhan bixiso. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan hoos yimaado isaga, waxaana rajaynayaa inaan sii horumaro oo aan wax badan ka barto,” ayuu hadalkiisa ku daray weeraryahanka reer Masar.

























