Manchester City Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Fasixi Karto Savinho

0
216

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa weli ku dadaalaysa saxeexa xiddiga reer Brazil Savinho, kaddib wada-hadallo ay todobaadkan la yeesheen Manchester City.

Sida uu sheegay wariyaha Ben Jacobs, Spurs ayaa diyaar u ah inay bixiso in ka badan €70 milyan si ay heshiiska u dhamaystirto, balse City ayaa dalbanaysa lacag ka badan €80 milyan si ay uga fiirsato iibka ciyaaryahanka.

Inkasta oo Manchester City ay heshay dalabyo waaweyn oo ku saabsan Savinho, haddana kooxda ayaa ku adkaysanaysa in lasii hayo, maadaama ay aaminsan tahay in iibintiisu noqon karto khalad weyn oo saameyn ku yeesha mustaqbalka, maadaama uu ciyaaryahanku leeyahay karti aad u sareeya. Tottenham ayaa si weyn u xiisaynaysa saxeexiisa, gaar ahaan kaddib markii ay ku guuldarreysteen saxeexa Eberechi Eze, kaas oo Arsenal ugu biiray lacag dhan £68 milyan.