Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in ay rasaas digniin ah ku ridday horraantii toddobaadkan askarta Kuuriyada Waqooyi oo muddo kooban ka soo tallaabay xadka aadka loo ilaaliyo ee kala qaybiya labada dal. Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa rasaasta ku tilmaantay “daandaansi ula kac ah” waxayna Pyongyang ku eedaysay Seoul in ay halis ugu jirto “xiisad aan la xakamayn karin”.
Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaar ka mid ah askarta Kuuriyada Waqooyi ee ka howlgala aagga xudduudda ay 9-kii fiidnimo ka gudbeen xadka milatari ee u dhaxeeya labada dal. Waqtiga Seoul ee todobaadkan.
Askartu markii dambe waxay ku noqdeen waqooyiga, ayuu bayanku intaa raaciyay.
Dhacdadan ayaa la shaaciyay iyadoo madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, uu Sabtidii ka dhoofay Seoul isagoo kuna sii jeeda Tokyo iyo Washington booqasho rasmi ah.
Pyongyang ayaa sare u qaaday mawqifkeeda adag toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo hogaamiyaha Kim Jong Un walaashii ay ka soo horjeedsatay dadaallada dib u heshiisiinta ee ay waddo xukuumadda Lee.
Dhacdadan ayaa timid iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay dedaal ugu jirto oo bilowday sanadkii hore inay gebi ahaanba xidho xadka ay la wadaagto Kuuriyada Koonfureed.






















