Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Netherlands, Caspar Veldkamp, ayaa iska casilay xukuumadda ku-meelgaadhka ah sababo la xidhiidha fashilka dawladda ee ku aaddan qaadashada tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah Israel, taasoo la xidhiidhta weerarradeeda ka socda Qasa.
Mr. Veldkamp wuxuu wariyeyaasha u sheegay in uu doonayey in cadaadis dheeraad ah la saaro Israel sababo la xidhiidha dagaalka ka socda Marinka Qasa, iyo ballaadhinta deegaameynta ay ka waddo Daanta Galbeed iyo Dooxada Urdun.
“Waxaan ka arkay xukuumadda calaamado muujinaya in aanay doonaynin inay oggolaato tallaabooyin dheeraad ah,” ayuu yidhi. June 3-deedii, dawladdii waddanka ayaa burburtay, waxaana la dhisay xukuumad ku-meelgaadh ah si ay shaqada u sii waddo ilaa xukuumad mideysan la soo dhisayo.






















