Wasiirka Kheyraadka Biyaha oo Xoojiyay Iskaashiga Hay’adda Qaramada Midoobay (FAO)

0
323

Dawan Staffe

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyada oo kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta khayraadka biyaha iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda, waxaa ka qaybgalay madaxda kala duwan ee hay’adda FAO oo ay ka mid yihiin Dr. Cabdikariin Cismaan Mooge, Madaxa Xafiiska FAO ee Somaliland, Mr. Etienne Peterschmitt, wakiilka FAO, Mr. Kunow, Madaxa Mashaariicda Xoolaha, iyo Mr. Cabdi Aadan oo u qaabilsan mashaariicda FAO ee Somaliland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta mashaariicda la xidhiidha biyo gelinta, dayactirka ceelasha, dhaamamka, iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada reer miyiga ah, beeralayda, iyo xoolo-dhaqatada. Wasiir Abubakar Good ayaa caddeeyay in iskaashigan uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta nolosha dadka ku nool deegaannada miyiga ah, sidoo kalena uu qeyb ka yahay wax-ka-qabashada caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Dhinaca kale, waftiga FAO ayaa ballanqaaday in hay’addu sii xoojin doonto taageerada ay siiso Wasaaradda iyo shacabka Somaliland, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariic waxtar leh oo la jaanqaadaya baahiyaha dhabta ah ee dalka.

Kulankan wuxuu muujinayaa muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo sida uu u kobcin karo adeegyada biyaha ee Somaliland, gaar ahaan deegaanada miyiga ah, taas oo qeyb ka ah himilada guud ee horumar waara iyo nolosha bulshooyinka reer miyiga.