Madaxa shaqaalaha ee shirkad weyn ayaa doonayay in shaqaalaha shirkaddu ay horumar ku sameeyaan shaqadooda, sidaa awgeed todobaadkii hal maalin ayuu la kulmi jiray waxaana uu weydiin jiray su’aal keliya oo ahayd:
“Maxaad toddobaadkan horumar samaysay oo aad dareemaysaa?”
Shaqaalaha badankoodu bilwogii hore way wada aamusi jireen, laakiin markii danbe waxay bilaabeen in mid kasta horumar sameeyo si jawaab ugu helo su’aasha toddobaadka, isla markaana uga badbaado jawaabta ah “ Waxba maan samaynin”.
Muddo dhowr bilood ka dib shaqaalihii oo dhami, xataa kuwii caajiska ah waxa ay bilaabeen in ay horumar shaqo sameeyaan. Kulanka toddobaadka waxa uu noqday mid xubin kasta oo shaqaale ahi ay ku soo bandhigto horumarka shaqo ee toddobaadka uu sameeyay.
Su’aalaha kooban ee dhiirigelintu waxa ay xamaasad geliyaan dareenka qofka shaqaalaha, iyadoo xubin kasta jeclaanayo in la arko horumarkiisa.

























