Taariikhda Dagaaladii Ugu Adkaa

0
133

Markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka sanadkii1945kii, waxaa bilaabmay loollan siyaasadeed iyo dhaqaale oo u dhexeeyay dalalka Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti (Soviet Union). In kasta oo aanay si toos ah u dagaallamin, haddana waxay isku haysteen nidaamyada (Ideology) kala duwan, iyadoo Maraykanka uu ahaa  dimuqraadiyad halka Midowga Sofiyeet ( Ruushka) uu ahaa dal nidaamka shuuciga ku dhaqmaya.

Dagaalkan oo la yaqaanay dagaalkii qabooba, sababta loogu bixiyay waa isagoo ahaa dagaal aan si toos ah u socon laakiin si qarsoon dhinaca sirdoonka uga socday.

Dad badan ayaa ku dhintay shirqoolo kala duwan oo ay sameeyeen sirdoonadii labada dhinacba. Waxaana uu dagaalkii ugu mudada dheera, isagoo socday muddo dhan 45 sanno.

Waxaana uu soo dhamaaday sanadki 1991kii, markii uu burburay dawaladdii Midowgii Sofiyeetka.