Dembélé Oo muxuu ku sababeeyay inuu Yahay Musharaxa Ugu Cad-cad Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadkan

0
173

Weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembélé, ayaa loo arkaa musharaxa ugu sarreeya ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sannadkan, isaga oo ka horreeya da’yarka Barcelona, Lamine Yamal.

Isagoo ka hadlayey fursadiisa, Dembélé ayaa yidhi: “Waa wax caadi ah in la igu tiriyo musharixiinta ugu cadcad. Abaalmarin shaqsiyeed ma jirto mid ka wanaagsan kubadda cagta. Waa waxa ugu xamaasadda badan kubadda cagta. Marka aad eegto halyeeyadii ku guuleystay, runtii waa mid gaar ah.”

Xiddiga reer France ayaa intaas ku daray in mararka qaar dadku ugu yeeraan magaca “Ballon d’Or”, taas oo muujinaysa sida uu bulshada u dhexgalay.

Si kastaba ha ahaatee, Dembélé ayaa xusay in isaga, macallinka Luis Enrique, iyo dhamaan kooxda PSG ay xooga saareen guusha kooxeed, gaar ahaan final-kii Champions League.  “Kadib xilli ciyaareed sidan oo kale ah – afar koob, goolal iyo caawino – waa wax caadi ah in la ii tixgeliyo musharaxa ugu cadcad,” ayuu ku daray.

Inkasta oo xaaladdu u muuqato mid taageeraysa Dembélé, haddana codbixiyeyaasha ayaa go’aanka kama dambays ah ka gaari doona.