Warbixin ay qortay AS ayaa sheegaysa in La Liga ay baadhayso dhacdo cunsurinimo ah oo Axaddii lagu bartilmaameedsaday xiddigaha Real Madrid, Vinicius Jr. iyo Kylian Mbappe, kulankii ay la yeesheen Real Oviedo garoonka Carlos Tartiere. Sida muuqaalada El Día Después ay muujinayaan, ugu yaraan labo taageere oo ku kala jiray qaybo kala duwan oo garoonka ah ayaa sameeyay codad daanyeero ah oo loogu jeeday labada ciyaaryahan. Dhacdadii ugu horreysay ayaa timid markii Vinicius iyo Mbappe ay u dabaal-degeen gool, iyadoo Mbappe uu dhulka isku taraarixiyay halka codadkaas mar kale la maqlay daqiiqaddii 63-aad markii Vinicius garoonka soo galay.
Inkasta oo ay ahaayeen tiro aad u yar marka loo eego 29,758 taageere ee joogay garoonka, haddana ficilladan waxay sii xoojinayaan dhibaatooyinka cunsuriyadda ka taagan kubadda cagta Spain. La Liga ayaa xaqiijisay inay qaadi doonto tallaabo buuxda si loo aqoonsado kuwii mas’uulka ka ahaa, iyadoo suuragal ah in kiiska loo gudbiyo hay’adaha sharciga. Cunsuriyadda kubadda cagta Spain ayaa horey u lahayd cawaaqib sharciyeed. Sanadihii la soo dhaafay, shan taageere Valladolid ah ayaa hal sano xabsi lagu xukumay kadib aflagaaddo cunsuriyad ah oo ay ku sameeyeen Vinicius, halka saddex taageere oo Real Madrid ah la xiray markii ay aflagaaddeeyeen Lamine Yamal iyo Raphinha. La Liga ayaa mar kale ku celisay in dhaqanka noocan oo kale ah aanan la aqbali doonin, isla markaana aan loo dulqaadan karin.

























