Shirkii Wasaaradda Ciyaaruhu ku Qabatay Borama: Jiheynta Mustaqbalka Dhallinyarada

0
95

Dawan Staffe

Boorama (Dawan)- Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa martigelisay shir wadatashi oo heer sare ah, oo uu hormuud ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), kaas oo ay wehelinayeen Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda. Shirkan waxa uu ahaa mid muhiim u ah dhageysiga iyo qiimaynta baahiyaha dhabta ah ee ka jira dhanka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Awdal, iyada oo la eegayo aragti mustaqbal fog leh.

Shirkan oo ah tiir weyn oo ka mid ah barnaamijyada wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha qorshaha horumarineed ee shanta sanno ee soo socda diirada lagu saarayo dhismaha iyo horumarinta mustaqbalka dhalinyaradas iyo ciyaaraha dalka, waxa uu si gaar ah u iftiimiyay qorshe hawleedyo muhiim u ah dhallinyarada iyo ciyaaraha heer gobol. Iyada oo shirkan diirrada lagu saaray qodobo mihiim ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Qiimaynta Baahiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal:

Shirkani waxa uu udub-dhexaad u noqday abuurista fursado cusub oo ku wajahan horumaritna dhalinyarada gobolka Awdal, kaas oo xudun u ah in si dhab ah loo fahmo: Baahiyaha aasaasiga ah ee dhallinyarada ee la xidhiidha Ciyaaraha, shaqo-abuurka, fayo-qabka, iyo ka qaybgalka bulshada; Xaaladda kaabayaasha ciyaaraha, sida garoomada, agabka, iyo tababarayaasha.

  1. Kala Saaridda Mudnaanta Degdegga ah iyo Kuwa Istiraatiijiga ah:

Shirkan muhiimka ah waxaa laga dooday: qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha iyo baahiyaha asaasiga ah ee mudan in isla markiiba la qabto; (Tusaale: dayactirka garoomada iyo kobcinta kooxaha maxalliga ah); iyo qodobada u baahan in lag wajaho qorshe fog iyo maalgelin waqti dheer ah, (Tusaale: dhismaha xarumo isboorti oo heer gobol ah iyo mashruucyo xirfadeed oo dhallinyarada lagu tababaro).

  1. Abuuridda Hannaan Wadajir ah oo Joogto ah

Shirka waxa lagu ballamay: In la dhiso hannaan isku-xidha wasaaradda, maamulka gobolka, bulshada iyo ururrada dhallinyarada, si wadajir loogu hirgeliyo barnaamijyada ay ka midka yihiin: In fursadaha horumarineed ee gobolka loo qaabeeyo si waafaqsan qorshaha shanta sanno, iyadoo lagu saleeyo xog dhab ah iyo talooyinka bulshada deegaanka.

  1. Xoojinta Doorka Ciyaaraha Bulshada:

Ciyaaruhu waxay kaalin weyn ku leeyihiin: Horumarinta caafimaadka maskaxda iyo jidhka dhalinyarada; Dhisidda nabadda, isku-duubnida, iyo ka-hortagga khilaafaadka. Shirku wuxuu muhiimad gaar ah siiyay in ciyaaruhu noqdaan aalad lagu mideeyo dhallinyarada laguna horumariyo bulshooyinka.

  1. U-diyaarinta Dhallinyarada Doorkooda Hogaamineed

Shirku wuxuu dhiirrigeliyay in dhallinyarada: Loo abuuro fursado hogaamineed oo ay si toos ah ugu lug yeeshaan horumarinta deegaanka; In loo diyaariyo xirfado ay mustaqbalka ugu adeegi karaan dalkooda, iyagoo ka faa’iidaysanaya barnaamijyada shanta sanno ee wasaaraddu soo bandhigtay.

Waa tallaabo lagu ammaanayo in wasaaraddu ay u dhaqaaqdo nidaam ku saleysan xog aruurin, wadatashi iyo la-talin iyo la tashi dhanka bulshada ah. Tani waa arrin muhiimad weyn u leh in siyaasadaha qaranku noqdaan kuwo dhab ah, isla markaana wax ku ool ah, maadaama ay kasoo unkamaan baahida dhabta ah ee shacabka.

Mudane Jiidhe, oo ka hadlay furitaanka shirka, wuxuu si cad u xusay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka Somaliland, halka ciyaaruhu ay yihiin aalad wax ku ool ah oo lagu kobciyo xirfadaha, fursadasha iyo caafimaadka maskaxeed iyo jidheed ee da’yarta, isla markaana ay ciyaaruhu yihiin tiir weyn oo ka qayb-qaata xoojinta amniga iyo xasiloonida. Qodobadan ayaa tilmaamaya in wasaaraddu ay leedahay aragti ballaadhan oo aan ku koobnayn ciyaaro keliya, balse ku fidsan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin: waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo nabadgelyada.

Shirkan ayaa noqon kara mid tusaale u noqda dhammaan gobollada dalka, si loo gaadho hannaan horumarineed oo isku dheelitiran, wax ka tarayana baahida gaarka ah ee deegaanka kasta. Ugu dambayn, shir-wadatashigan waxa uu caddaynayaa in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay ka go’an tahay in horumarka dhalinyarada iyo ciyaaruhu noqdaan mudnaanta koobaad ee wasaradda iyo guud ahaan Xukuumadda