Dawan Staffe
Gabiley (Dawan)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale muujisay in ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta dhalinyarada iyo jiilka cusub ee dalka u soo kacaya, iyadoo magaalada Gebilay ku qabatay shir wadatashi oo muhiim ah kaas oo lagu qiimeynayay fursadaha horumarineed iyo baahiyaha dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyada oo si hufan loogu lafo-guray mudnaanta iyo qorsheyaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Shirkan oo uu si toos ah u hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa ahaa madal furan oo lagu lafa-guray caqabadaha taagan iyo fursadaha laga faa’iidaysan karo. Waxa kasoo qayb galay xildhibaano, saraakiil wasaaradeed, ururrada dhallinyarada, bahda ciyaaraha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gebilay.
Ujeedada shirka ayaa ahayd saddex tiir oo muhiim ah:
- In si qoto dheer loo qiimeeyo baahiyaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka.
- In la kala saaro arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah iyo kuwa fog.
- In la dhiso hannaan wadajir ah oo horumar waara lagu gaadhi karo.
Agaasimaha Guud, Mudane Jiidhe, ayaa madasha ka jeediyay hadal qiimo badan oo uu kaga hadlay muhiimadda ciyaaraha iyo dhallinyaradu u leeyihiin horumarka bulshada iyo qaranka. Wuxuu si cad u muujiyay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarka dalka, halka ciyaaruhu ay yihiin aalad wax ku ool ah oo lagu xoojiyo caafimaadka, nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
Hoggaaminta Agaasimaha Guud waxay noqotay tusaale wanaagsan oo ka tarjumaya maamulka casriga ah ee ku dhisan xog-uruurin, wada-tashi iyo xogogaalnimo. Waxqabadka Agaasimaha Guud ayaa ah mid muujinaya in Wasaaraddu aanay ku koobnayn shirarka iyo warqadaha siyaasadeed, balse ay dhab ahaan uga jawaabayso baahiyaha dhabta ah ee ka jira gobollada dalka.
Qaabka furfuran ee shirkan loo maamulay wuxuu fursad siiyay dhallinyarada, hay’adaha dawladda iyo ururrada bulshada inay si furan u dhiibtaan aragtidooda. Tani waxay astaan u tahay hoggaan ku dhisan kalsooni, isla xisaabtan iyo u adeegid shacabka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay muujisay hufnaan iyo karti hoggaamineed oo dhab ah, iyadoo u beddeshay ciyaaraha iyo tartannada aalado wax ku ool ah oo lagula dagaallamo shaqo qabyaalada, tahriibka iyo dhibaatooyinka mukhaadaraadka, taasoo dhallinyarada u abuuraysa fursado cusub oo hal-abuur, horumar iyo koboca xirdahooda ciyaareed.
Falanqaynta Wargeyska Dawan, waxay si gaar ah u bogaadinaysaa dedaalka iyo hoggaaminta Agaasimaha Guud Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), kaas oo muujiyay daacadnimo, hufnaan iyo u heellanaan uu ugu adeegayo dhallinyarada dalka. Dedaalkan waxa uu horseed u noqon karaa mustaqbal ifaya oo dhallinyarada Somaliland ay heli karaan fursado siman saxaad ay kaga qaby-qaataan ciyaaraha caalamiga ah xirfado iyo hal-abuur.
Sidoo kale, waxaa mudan in la xuso Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir ku xigeeka Wasaaradda JSL, masuuliyiinta kale ee wasaaradda, iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaatay qorsheynta iyo qabashada shirkaasi. Tani waa tallaabo tusaale u noqon karta dhammaan hay’adaha kale ee dawladda, iyadoo muujisay in marka maamulka la maareeyo si hufan, natiijooyinka la gaadhayaa ay noqon karaan kuwo dhaxal gal ah oo iftiimin kara mustaqbalka dalka.






















