Dawan Staffe
Hargeysa (Dawan)- Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay Xarunta Cilmibaadhista Wadajirka ah ee Midowga Yurub (JRC) ayaa si cad u muujisay in waddada Berbera Corridor ay kamid noqday marinada ganacsi ee ugu istaraatiijisan qaaradda Afrika. Aqoonsigan rasmiga ah ee Midawga Yurub wuxuu sare u qaadayaa miisaanka juquraafiyeed iyo muhiimadda calaamiga ah ee Somaliland, warbixintan ayaa iftiimisay kaalinta wax-ku-oolka ah ee jidkani ku leeyahay isku xidhka ganacsiga qaaradda, gaar ahaan wadamada Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.
Magaalada Berbera, oo leh deked caalami ah oo casriyayn ballaadhan lagu sameeyay isla markaana la jaanqaadaysa halbeegyada caalamiga ah ee adeeg-bixinta dekedaha dunida ayaa hadda isu beddeshay marin muhiim ah oo si toos ah ugu furan gobolka iyo caalamka ba. Qorshaha Midowga Yurub wuxuu si gaar ah u muujinayaa muhiimadda ay dekedas Berbera u leedahay isku xidhka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee mandaqada, taas oo jidka Berbera Corridor ka dhigaysa laf-dhabarta isku socodka ganacsia badeecadaha, iyo adeegyada u dhexeeya gudaha Afrika iyo adduunka intiisa kaleba.
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay u muuqata dal istaraatiiji ah oo beesha caalamku ay si isa soo taraysa u isha ugu hayaan, waana sababta warbixintani u tahay mid muhiimad gaar ah u leh Somaliland. Waxay muujinaysaa in xasilloonida siyaasadeed, goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo hammigeeda horumarineed ay Somaliland ka dhigayaan waddan lagu kalsoonaan karo oo ay mudan tahay in lala shaqeeyo.
Warbixinta Midowga Yurub oo ciwaan looga dhigay Taageerada Jidadka Caalamiga ah ee Marinnada Gaadiidka ee Afrika (Global Gateway Support to Transport Corridors in Africa) ayaa si cad u muujisay in Berbera Corridor oo qayb ka ah marinka Daarasalaam, Nairobi, Addis Ababa, Berbera iyo Djibouti uu ka mid yahay 12-ka waddo ganacsi ee istaraatiijiga ah ee Afrika ee mudnaanta u leh qorshaha horumarineed ee Midowga Yurub.
Fursadaha ugu weyn ee ka dhalanaya aqoonsiga rasmiga ah ee Midawga Yurub ku aqoonsaday muhiimada iyo istaraatiijayada Berbera Corridor waxaa kamid ah:
- Horumarinta kaabayaasha sida waddooyinka, dekedda, iyo garoomada si kor loogu qaado isku socodka ganacsiga.
- Fududeynta nidaamka ganacsiga iyo xeerarka si loo dhiirrigeliyo ganacsatada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ba.
- Soo jiidashada maalgelin caalami ah oo horseedi karta koboc dhaqaale iyo shaqo abuur ballaadhan.
- Kordhinta doorka Somaliland ee Geeska Afrika iyo ka qayb qaadashada xasilinta gobolka.
Gebogebadii, aqoonsiga Berbera Corridor ee istiraatiijiyadda Midowga Yurub waa fursad dahabi ah oo Somaliland ay ka faa’iidaysan karto si ay u xoojiso doorkeeda gobolka iyo caalamkaba. Waa waqti ay Somaliland ka faa’iidaysanayso kalsoonidaas, iyadoo ay warbixintaasi si hufan u iftiinayso dadaalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hirgelinta dhismaha dawladnimo dimuquraadi ahm dal xasilloon, furfuan, lehna aragti cad oo horumarineed.






















