Xidhiidhka iyo Iskaashiga Somaliland iyo Jabuuti oo laba Jibbaarmay

0
170

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maraya marxalad cusub oo ka xoog badan, kana baaxad weyn heerarkii hore. Xidhiidhkan cusub ayaa ah iskaashi ku dhisan tiirar adag oo salka ku haya horumarka labada dal, nabadgelyada, iskaashi siyaasadeed, dhaqaalaha, amni iyo is-dhexgal bulsho oo sii xoogeysanaya. Labada dal waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta ganacsiga, dalxiiska, iyo mashaariic la xidhiidha kaabayaasha-dhaqaalaha, taas oo sare u qaadaysa xidhiidhka labada shacab iyo dowladoodba. Iskaashigan cusub ayaa sidoo kale xoojinaya kalsoonida iyo wadajirka gobolka, isagoo horseed u noqonaya xasilooni iyo barwaaqo labada dhinacba ah.

Soo dhaweyntii diirranayd ee loo sameeyay 25-kii August 2025 wefti ka socday dalka Jabuuti oo booqasho rasm ah ku yimid Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jabuuti, mudane Maxamed Warsame Diiriye, ayaa caddeyn u ah sida xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal uu u sii xoogeysanayo, kalsoonida ay madaxda iyo hoggaanga labada dal ay ku qabaan xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dadaalka horumarineed ee ay ugu jiraan in la dhiso iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhab ah oo midho dhal ah.

Weftiga ka socday dalka Jabuuti oo uu hoggaamiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee dalkaasi, mudane Maxamed Warsame Diiriye oo ay xubno ka ahaayeen Agaasimaha Hay’adda Dalxiiska Jabuuti mudane Cismaan Cabdi Maxamed iyo mudane Maxamed Axmed Caynaan oo ah la-taliyaha wasiirka, waxaa si sharafg leh ugu soo dhaweeyay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeysa, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaaradda, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Soo dhawayntani may ahayn mid ka tarjumeysa keliya hab-maamuus diblomaasiyadeed, balse waxay ahayd calaamad muujinaysa sida ay labada dal ugu heellan yihiin inay yeeshaan xidhiidh laba jibbaaran oo ah mid ku dhisan dan-wadaag, is-aaminaad iyo himilo fog oo goboleed.

Miisaanka iyo heerka sare ee lagu soo dhaweeyay madaxda sare ee ka socday dalka Jabuuti ayaa ah calaamad muujinaysa isbeddelka weyn ee ku soo kordhaya xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal. Sidoo kale, waxay ka tarjumaysaa muhiimadda gaarka ah ee Somaliland siineyso xidhiidhka derisnimo iyo iskaashiga ganacsi ee gobolka, iyadoo labada bulsho ay leeyihiin xidhiidh dhaqan-dhaqaale oo qoto dheer.

Horumarka muuqda ee ka socda Jabuuti iyo Somaliland wuxuu u baahan yahay qaab-dhismeed siyaasadeed oo istiraatiiji ah oo labada dhinacba kaga wada faa’iidaystaan. Socdaalkan Wasiirka Jabuuti iyo weftigiisa ayaa caddeyn u ah in labada dal ay doonayaan in ay ka gudbaan heerka xidhiidhka diblomaasiyadda caadiga ah, isla markaana ay uga gudbaan isku-xidhnaan dhaqaale iyo dalxiis oo dhab ah.

Marka la eego taariikhda, juqraafiyadda iyo xidhiidhka bulsho ee labada dal, iskaashiga noocan ahi waa tiir muhiimad weyn u leh horumarka iyo kobaca dhaqaale ee labada dal. Jabuuti waxay Somaliland uga baahan tahay waxyaabo badan oo ay ka mid yihin xoojinta iyo sugidda ammaanka xuduudaha dhul iyo bad ba, xoojinta silsiladda sahayda iyo helitaanka suuqyo cusub, halka Somaliland-na ay ka faa’iidaysanayso marinno ganacsi oo cusub iyo fursado lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha, gaar ahaan qaybaha dalxiiska iyo adeegyada.

Muhiimadda Ganacsiga iyo Dalxiiska:

Xidhiidhka ganacsi ee labada dal ayaa ah mid horeba u jiray mudadii la soo dhaafay, hase yeeshee wuxuu u baahnaa dib-u-habeyn, abuurista fursado la qorsheeyey iyo jawi siyaasadeed oo deggan. Socdaalka weftigan Jabuuti ayaa si cad u iftiiminaya muhiimadda iyo qiimaha ay leedahay xoojinta isu-socodka ganacsiga, ballaadhin suuqyada xuduudaha iyo dhiirri-gelinta maalgeshi toos ah oo labada dhinac ah.

Sidoo kale, dalxiiska Somaliland oo ah ilo dhaqaale oo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan, ayaa hadda u muuqda in uu yahay tiir muhiim ah oo horumarineed. Somaliland waxay leedahay xeebaha ugu dheer uguna quruxda badan Geeska Afrika, halka Jabuutina ay leedahay marin badeed caalami ah, sidoo kalena labada dal waxay wadaagaan xidhiidh taariikhi ah oo qoto dheer. Marka awoodahan la isku xidho, Geeska Afrika wuxuu noqon karaa xarun cusub oo soo jiidata maalgashi iyo dalxiis caalami ah.

Is-dhexgalka Bulshada iyo Siyaasadda Gobolka:

In kasta oo Somaliland iyo Jabuuti ay leeyihiin xidhiidh siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, haddana waxa jira xidhiidh bulsho oo aad u qoto-dheer, waxa la ogyahay in labada shacab ee reer Jabuuti iyo reer Somaliland ay yihiin dad isku af ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, isku dan ah, isla markaana wadaaga dano juqraafiyadeed. Sidaa darteed iskaashi ay yeeshaan labada dawladood iyo labada shacabay ayaa horseedi kara is-dhexgalka ganacsatada, aqoonyahanka, iyo shaqaalaha dawladeed. Falanqayntan Wargeyska Dawan waxa ay dhiiri-gelinaysaa in la sameeyo guddiyo iskaashi oo joogto ah oo ka tirsan labada dal, si loo abuuro saaxad furan oo la xidhiidha in la hirgeliyo hanaan qaabeeya in labada dhinac ay yeeshaan xidhiidh ku dhisan wadaagista waayo-aragnimada, aqoon-is-weydaarsiga iyo tababarro, lana dhiso hannaan siyaasadeed oo fududeeya dhammaan arrimaha labada dhinac.