Wasaaradda Maaliyada JSL oo Xoojisay Kobcinta Aqoonta Shaqaalaha si loo Horumariyo Dhaqaalaha Qaranka

0
140

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ismaaciil Mowliid Cabdillaahi, ayaa si rasmi ah u furay tababar aqoon-korodhsi ah, kaas oo loogu talagalay saraakiisha Waaxda Qorshaynta iyo Tiro-koobka. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha dejinta qorsheyaasha istaraatijiyadeed, hababka dabo-galka iyo qiimaynta (Monitoring & Evaluation), iyo diyaarinta warbixinno tayo sare leh.

Tababarkan ayaa ah tallaabo istiraatijiyadeed oo lagu xoojinayo awooda shaqaalaha, iyadoo la hubinayo in hawlaha wasaaraddu si hufan, waxtar leh oo qorsheysan loo fuliyo. Wasiiru-dawluhu wuxuu ku boorriyay ka qaybgalayaasha inay ka faa’iidaystaan fursaddan, isagoo tilmaamay in “Waaxda Qorsheyntu tahay laf-dhabarta Wasaaradda Maaliyadda. Haddii qorshuhu hagaago, shaqada wasaaradduna si habsami leh bay u soconaysaa.”

Aasaaska tababarkan ayaa sidoo kale ka tarjumaya dadaalka Wasaaradda ee lagu dhisayo hay’ad hufan, shaqaale xirfad leh, iyo nidaamyo casri ah oo la jaan qaadaya himilada horumarineed ee Somaliland. Tani waxay fursad siinaysaa shaqaalaha inay si buuxda u horumariyaan xirfadahooda, isla markaana gacan ka geystaan hirgelinta qorsheyaal wax ku ool ah oo kaalin muuqata ka qaata horumarinta dhaqaalaha qaranka.

Waxaa hubaal ah in xoojinta aqoonta iyo kartida shaqaalaha ay tahay furaha lagu gaadhi karo waxtar sare iyo hufnaan joogto ah, taasoo ka tarjumaysa himilada Somaliland ee dhisidda maamul iyo dhaqaale casri ah, oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Wasiiru-dawluhu wuxuu ku boorriyay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isagoo xusay in “Waaxda Qorsheyntu waa laf-dhabarta Wasaaradda Maaliyadda. Haddii qorshuhu hagaago, shaqada wasaaradduna si habsami leh bay u soconaysaa.” Tababarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado tayada shaqaalaha, uguna suurtageliyo hirgelinta qorsheyaal waxtar leh oo la jaanqaadaya himilada iyo istaraatijiyadda guud ee wasaaradda.

Waaxdan oo ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee wasaaradda ayaa leh kaalmo muhiim ah marka la eego kaalinteeda shaqo ee Wasaaradda. Sidaa darteed, tababarkan ayaa ujeedkiisu tahay in hawlwadeenada lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo hubiyo hufnaan iyo waxtar sare oo ka dhasha howlaha waaxda.