Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhawaan qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Wasiirka wasaaradda, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa soo saaray wareegto lagu hakiyay dhoofinta sharcidarada ah ee dahabka ama aan oggolaansho rasmi ah ka haysan wasaaradda, iyadoo sidoo kale lagu amray in dhoofinta dahabka sharciyaysan ee wasaaradda fasaxa ka haysantana laga dhoofin karo oo kaliya Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa.
Wareegtadan ayaa u muuqata mid ku timi dareen iyo feejignaan la xidhiidha sidii loo sugi lahaa maamul-wanaagga khayraadka qaranka, loogana hortagi lahaa dhoofin aan la xakameyn oo wax u dhimaysa dhaqaalaha dalka, suuqyada dahabka, iyo daacadnimada nidaamka macdanta ee Somaliland.
Qodobada Muhiimka ah ee laga Faa’iidayo tallaabadan:
- Ilaalinta Dhaqaalaha Qaranka: Dhoofinta sharci darrada ah ee dahabka waxay keentaa in kheyraadka dalku uu si dhuumaalaysi ah u baxo, iyadoo aan wax faa’iido ahi uga soo noqonayn shacabka ama khasnadda dawladda. Wareegtadan waxay xoojinaysaa dhaqaalaha gudaha iyadoo kobcinaysa habka canshuur ururinta iyo ilaha dakhliga dawladda.
- Kor u qaadidda Maamul-wanaagga: Habkan cusubi wuxuu sare u qaadayaa isla xisaabtanka, isagoo xaddidaya meelaha laga dhoofin karo dahabka oo ah Garoonka Cigaal oo kaliya, taasoo u oggolaanaysa wasaaradda inay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa dhoofka.
- Xakameynta Musuqmaasuqa iyo Ka ganacsiga Sharci darrada ah: Marka habraac cad iyo kormeer adag la dejiyo, waxaa yaraada fursadda ay kooxo gaar ahi ugu adeegsan karaan kheyraadka qaranka dano shakhsi ah. Tani waa tallaabo lagula dagaallamayo dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ka dhasha dhoofinta dahabka.
- Xoojinta Kalsoonida Maalgashadayaasha: Marka dowladdu si daahfuran u maamusho kheyraadka dabiiciga ah, waxay soo jiidataa maalgelin dibadeed iyo kalsoonida shirkadaha caalamiga ah ee raba inay la shaqeeyaan Somaliland. Tani waxay fure u noqon kartaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuur.
Gunaanad:
Tallaabada uu qaaday Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, waa mid muhiim ah oo ku saleysan mas’uuliyad qaran. Waa talaabo lagu difaacayo hantida guud ee shacabka Somaliland, laguna dhisayo nidaam sharciyeed iyo kalsooni bulsho. Waxaana muhiim ah in dhammaan qaybaha ay khusayso arrintani, ganacsatada, masuuliyiinta garoomada, hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ahi ay taageeraan fulinta wareegtadan.
Waxa intaas dheer, in wasaaraddu sii waddo wacyigelinta bulshada iyo ganacsatada si ay u fahmaan muhiimadda nidaamkan cusub, loogana hortago khaladaad iyo jaahwareer dhici kara. Somaliland waxay haysataa kheyraad dabiici ah oo badan, sidaa darteed waxa keliya ee loo baahan yahay waa in si hufan, sharci ah, oo daahfuran loo maareeyo.






















