Nidaamka Waxbarasho ee ku salaysan xirfadaha waxa uu si togan u saameeyaa dhaqaalaha bulshada
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, waxa uu si cad u muujiyey in horumarka dhabta ah ee dalku aanu ku xidhnayn oo kaliya xasillooni siyaasadeed iyo hay’ado dimuqraadi ah oo shaqeynaya. Balse, sida uu aaminsan yahay, horumarka dalkastaaba uu si toos ah ugu xidhan yahay tayada waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha wax ku oolka ah, taas oo ah furaha shaqo-abuurka iyo xoojinta hal-abuurka dhalinyarada, iyo kobcinta dhaqaalaha gudaha.
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee ‘Waxqabad iyo Wadajir’ waxay muujisay in waxbarashada farsamada gacantu ay tahay rukun weyn oo ka mid ah tiirarka siyaasadda horumarineed ee qaranka, sidoo kalena ay farsamada gacantu tahay furaha shaqo-abuurka, yareynta saboolnimada, iyo kor u qaadista madax-bannaanida dhaqaalaha. Himiladani maaha oo kaliya aragti siyaasadeed ama qorshe warqad lagu qoray, balse waa siyaasad dhaqan gashay. Booqashadii Madaxweynaha ee Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco waxay tusaale cad u tahay ballanqaadkan, iyada oo ka tarjumaysa qorshaha xukuumaddu ku ballaadhinayso dugsiyada farsamada gacanta ee gobollada dalka, si dhalinyaradu u helaan xirfado ay si toos ah ugu shaqeystaan.
Tirakoobyada ayaa muujinaya in wax ka badan 70% shacabka Somaliland ay yihiin dhalinyaro, isla markaana heerka shaqo la’aantu uu aad u sarreeyo. Arrintani waxay muujinaysaa in Somaliland ay tahay dal yar balse leh yididiilo iyo adkaysi muuqda, taasoo ka dhigan in dalka uu leeyahay fursad weyn oo ku saleysan saamiga bulshada iyo xogta cududda dadweynaha (demografik).
Sidoo kale, fursaddani waxay iftiiminaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo nidaam waxbarasho oo ku dhisan xirfado iyo farsamooyin la taaban karo, halkii xoogga la saari lahaa tiro shahaadooyin jaamacadeed oo aan si toos ah wax uga tarayn suuqa shaqada.
Madaxweynaha Somaliland ayaa arrintan kaga falceliyay aragti siyaasadeed oo lagaga jawaabayo baahidaas oo ah mid qaran, taas oo salka ku haysa in xalka shaqo la’aanta uu ku jiro horumarinta xirfadaha iyo farsamada gacanta. Ujeeddadu waa in la dhiso jiil cusub oo ah dhalinyaro karti leh, si casri ah u tababaran, una diyaarsan inay si toos ah ula falgalaan baahiyaha suuqyada shaqada ee gudaha iyo dibedda.
Aragtidan hoggaamineed ee Madaxweynaha JSL waxay si qoto-dheer u fahamsan tahay in loo baahan yahay in la dhiso nidaam waxbarasho oo ku saleysan xirfado la taaban karo sida korontada, birta, dhismaha, tiknoolajiyadda, iyo ganacsiga yaryar, taas oo dhalinyarada u noqon karta fure iyo in ay la jaanqaadaan suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Dhinaca kale, Waxbarashadan farsamada gacantu waxay leedahay saameyn ballaadhan, taas oo kor u qaadaa wax-soo-saarka dalka, sidoo kale waxay hoos u dhigtaa saboolnimada, waxayna dhalinyarada siisaa kalsooni iyo karti ay ku kobciyaan noloshooda. Madaxweyne Cirro wuxuu aragtidan u arkaa mid istiraatiiji ah, oo ah waddada lagu gaadhi karo madax-bannaani dhaqaale iyo horumar waara.
Marka la eego xaaladda Somaliland, ma jirto fursad ka qiimo badan in la maalgeliyo cududda ugu weyn ee bulshada oo ah dhalinyarada. Himilada Madaxweyne Cirro waa fariin cad oo la xidhiidha in horumarinta waxbarashada farsamada gacantu ay tahay maalgelin lagu dhisayo mustaqbal ifaya, ka tarjumaya kartida, hal-abuurka, iyo dadaalka jiilka cusub ee reer Somaliland.
Qorshan cusubi waxa uu Somaliland u horseedayaa waddo ku salaysan kartida iyo hal-abuurnimada dhalinyarada, taasoo ka dhigaysa waxbarashada farsamada gacanta tiirka ugu weyn ee kobaca dhaqaalaha iyo adkeysiga bulshada. Marka laga eego aragtida siyaasadda horumarinta, tani waa isbeddel wax ku ool ah oo ka fog ballan-qaadyo siyaasadeed oo madhan. Waa nidaam wax ku ool ah oo natiijo laga filayo. Wuxuu mudan yahay in la taageero, la maalgeliyo, laguna daydo. Dunida maanta, horumarku wuxuu raacaa waddooyin cusub: waddada xirfadaha, hal-abuurka, iyo waxbarashada la jaan qaada suuqa shaqada. Madaxweyne Cirro wuxuu caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay inay waddadaas cagta saarto.
Danaynta Madaxweynaha Somaliland ee Waxbarashada Farsamada Gacanta
Booqashada Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro), ee Burco Technical Institute waxa ay muujinaysaa aragti siyaasadeed oo la jaanqaadaysa hababka ugu wanaagsan ee caalamka looga hortago caqabadaha shaqo la’aanta iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu si cad u fahamsan yahay in maalgashiga waxbarashada farsamada gacanta aanu ahayn kaliya tallaabo horumarineed, balse uu yahay istiraatiijiyad qaran oo muhiim u ah xasiloonida iyo kobaca waara ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku dhaqmaya tusaalaha dunida kale ee guulaystay, in xoogga la saaro Iskuulada farsamada gacanta, sida Burco Technical Institute, waxay ka turjumaysaa fahamka ah in mustaqbalka Somaliland uu ku xidhan yahay dhalinyaro xirfad leh oo ka jawaabi kara baahiyaha suuqa shaqada ee isbedelaya. Gebogabadii, danaynta Madaxweynaha Somaliland ee waxbarashada farsamada gacanta waxay Somaliland u horseedi kartaa horumar dhaqaale, bulsho, iyo mid siyaasadeed, iyadoo la abuurayo jiil cusub oo karti leh oo dalka ku hagta mustaqbal ifaya.






















