Kobbie Mainoo Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa United

0
162

Xiddiga da’da yar ee Manchester United, Kobbie Mainoo, ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda, kaddib markii tababare Ruben Amorim uu ku qasbay caqabadda adag ee ah inuu booska kala baxo kabtanka kooxda, Bruno Fernandes.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay in aysan u badneyn inuu Mainoo ka tago kooxda xagaagan, balse haddii uu go’aansado inuu baxo, uu ka doorbidi doono qaaradda Yurub halkii uu Premier League sii joogilahaa. Waxa kale oo la xusay inuu horey u tijaabiyey fursado ka jiray Jarmalka intii uu kasoo baxayey akadeemiyada United.

Markii Chelsea ay bishii Janaayo weydiiyeen suurtogalnimada helitaanka Mainoo, waxaa loo sheegay qiimo dhan £70m. Hase yeeshee, warbixin cusub ayaa sheegaysa in United hadda diyaar u tahay inay aqbasho dalab ku dhow £45m, xitaa laga yaabo ka yar intaasi maadaama suuqa kala iibsigu gabagabo ku dhow yahay.

Tani waxay Manchester United gelinaysaa xaalad adag, iyadoo ay muuqato in mid ka mid ah da’yartooda ugu qiimaha badan uu diyaar u yahay inuu fursad cusub ka raadsado meel ka baxsan England.