Booliska dalka Australia ayaa sheegay in nin aad u hubeysanaa oo Isniintii la soo dhaaafay toogasho ku dilay labo askari oo boolis ah uu weli baxsad yahay. Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Dezi Freeman, ayaa lugihiisa ku baxsaday, kadib markii uu rasaas ku furay askartaasi oo tegay gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Porepunkah ee Waqooyiga magaalladda Melbourne, si ay u fuliyaan amar lagu baadi-goobayo fal-dambiyeedyo galmo oo lagu eedeeyay ninka dilka geystay.
Sarkaal saddexaad oo dhaawac culus uu soo gaadhay ayaa maray qalliin. Booliska ayaa baadhitaankooda diirada ku saaraya meel duur ah oo ciriiri ah oo ka tirsan dalkaas, waxayna dadka aaggaas ugu baaqeen in aanay banaanka u bixin.






















