Nuxurka iyo Sababta loo Hadal Hayo Xidhiidhka Suuriya iyo Israa’iil

0
214

 

Iyadoo ay jirto qalalaase siyaasadeed oo ka taagan dalka Suuriya, waxaa isa soo taraya qorayaasha wargeysyada caalamiga ah ay uga hadlayaan mucaaradka gudaha Suuriya ee wadahadalka kula jira Israa’iil iyo warbixinnada warbaahinta ee shirar qarsoodi ah oo looga hadlayo heshiis amni oo suurtagal ah oo ay daba ka riixeyso Washington.

Qoraagu wargeyskan, Raghida Dergham, waxaa uu sheegay in hoggaanka cusub ee Suuriya, ka dib markii ay “meesha ay ka baxeen Iran iyo Hezbollah” ay horseedayso isbeddel ku yimaada xidhiidhkeeda gobolka, gaar ahaan xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil.

Dargham wuxuu sharxayaa in Suuriya, oo mar ahaan jirtay “tiir ka mid ah mashruuca ballaarinta Iran,” ay hadda raadinayso inay dib u dhigto gobolka iyo caalamkaba. Isbadalkan, ayuu sheegay inay taageerayaan wadamada Khaliijka iyo Mareykanka, ee hoos imaanaya hogaanka cusub ee Suuriya oo uu si ku meel gaar ah u hogaamiyo ah Axmed al-Sharaa.

Waxa uu yidhi “Dowladda Suuriya weli si buuxda xukunka uma heyso, waxaana jirta cabsi laga qabo in kooxaha xagjirka ah ay isku ballaariyaan dalka, sidaas darteed hadalka

Sharaa ee uu ku diidan yahay kala qeybsanaanta iyo baaqiisa ah in la mideeyo Suuriya iyada oo aan wax dagaal ah la qaadin, waa in loo rogaa tallaabooyin wax ku ool ah.”

Qoraagu waxa uu sharraxay inay jiraan warar sheegaya suurtogalnimada heshiis dhinaca ammaanka ah oo Maraykanku dhexdhexaadinayo oo dhex maray Suuriya iyo Israa’iil, kaas oo dhici kara Bishan Sebtembar.

Inkasta oo ay warkan beenisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya, haddana wakaaladda wararka Suuriya ee rasmiga ah ayaa sheegtay in kulan dhex maray wasiirka arrimaha dibadda, Asaad Sheibaani iyo wafdi Israaiiliyiin ah ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hoos u dhigidda xiisadaha, duullaanka Israaiil ee Suuriya, iyo la socodka xabbad joojinta gobolka As-Suwayda.

Wargeyska Turkey Today, qoraa Ömer Özkizilcik ayaa qoray maqaal uu ciwaan uga dhigay “Soo jeedin cusub oo ku saabsan Sweida oo dhibaato u abuurta dawladda Suuriya”. Waxa uu ka hadlay xaaladda Suuriya iyadoo ay socdaan wadahadallo ku saabsan sidii xidhiidhdhow loola yeelan lahaa Israaiil, isagoo farta ku fiiqay qorshaha Mareykanka iyo Israaiil ee soo jeedinaya in Israaiil laga sameeyo aag biniaadannimo oo la gaadhsiiyo gobolka Sweida.