Xukuumadda JSL oo Qaaday Tallaabo Taariikhi ah oo lagu Horumarinayo Nolosha Bulshada Naafada ah

0
83

Qore Axmed M. Slaeebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh horumarinta nolosha bulshada naafada ah ee dalka. Hargeysa ayaa martigelisay markii ugu horreysay taariikhda Shirweynaha Heer Qaran ee Naafada Somaliland, kaas oo noqday shirkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalka. Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta sinnaanta fursadaha, taageerada, iyo ka qeybgalka siyaasadda iyo hoggaanka dalka ee bulshada naafada ah.

Ka qaybgalka Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shirkan ka dhigay mid taariikhi ah, isaga oo halkaasi ka jeediyay hadal iyo ballanqaad muujinaya sida hoggaanka sare ee dalka ay uga go’an tahay dhisidda bulsho siman. Madaxweyne Ku-xigeenka waxa uu sheegay: “Maanta waxa ay ii tahay farxad aanan illaaweyn, Ilaahayna waxa aan ka baryayaa in Shirkan shirkiisa uu inagu gaadhsiiyo inaga oo ay wax badani inoo qabsoomeen. Ka Dawlad ahaan waxa aanu ballan qaadaynaa in Ururka aad ku midaysan tihiin aanu si gaara ula shaqayn doona, isla markaana uu Xafiiskaygu uu idiin furan yahay xili kasta.”

Shirweynahan ayaa sidoo kale ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayay iskaashiga ururada iyo daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha naafada, iyadoo la wadaagay khibrado, qorshayaal, iyo xalal lagu horumarinayo nolosha dadka laxaadkoodu xaddidan tahay. Ka soo qaybgalay in ka badan 150 qof, oo ay ku jiraan daneeyayaasha, hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, ururrada maxalliga ah, iyo xirfadlayaasha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Shirka ayaa lagu ansixiyay xeerar iyo siyaasado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo dadka naafada ah, iyo in dhismayaasha dalka laga dhigo kuwo si fudud loogu adeego bulshadaas. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in la dhiso Sanduuqa Horumarinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, si loo xoojiyo maal-galinta ganacsiga iyo yareynta shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Ka qaybgalka ballaadhan ee daneeyayaasha iyo hadallada Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa caddeynaya sida xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay xaqiijinta sinnaanta, taageerada, iyo kobcinta bulshada ugu nugul. Shirkan heer qaran wuxuu calaamad u yahay horumar bulsho oo muhiim ah, isagoo Somaliland u fureysa waddo cusub oo lagu xaqiijinayo ka mid noqoshada iyo horumarinta dadka naafada ah.

Tallaabadan istiraatiijiga ah waxay muujinaysaa sida hoggaanka sare ee dalka ugu diyaar garoobay si loo hubiyo in codka bulshada la maqlo laguna fuliyo baahidooda. Waa fariin dhiirrigelinaysa oo caddeynaysa himilada Somaliland ee dhisidda mustaqbal bulsho oo loo siman yahay, horumarineed, isla markaana ka tarjumaysa diyaar-garowga iyo hufnaanta maamulka ee ay ka faa’iideysanayaan dhammaan qaybaha bulshada.