“Dawladda Qatar oo Albaab Cusub u Furtay Aqoonsiga Somaliland” Warbixin: Daily Euro Times

0
162

Xukuumadda Somaliland oo dowladda Qatar oo ka gudoontay taageero lacageed oo dhan 3 milyan oo dollar ah

Qore Axmed M. Saleebaan

Doha (Dawan)- Warbaahinta caalamiga ah ee Daily Euro Times ayaa shaacisay in dowladda Qatar ay u muuqato inay qaaday tallaabo cusub oo diblomaasiyadeed oo muhiim ah arrimaha diblumaasiyadeed ee Geeska Afrika, taas oo albaab cusub u furaysa suurtogalnimada in Doha ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland. Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) bishii June ee sannadkan si rasmi ah loogu casuumay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar.

Sida ay warbixintu sheegtay, booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tagay dalka Qatar, waxay jebisay siyaasaddii hore ee joogtada ahayd ee Qatar, oo muddo dheer taageeri jirtay mowqifka “Hal Soomaaliya” ee Muqdisho. Talaabadani waxay muujinaysaa in Doha ay ka fikirayso siyaasad ka duwan tii hore, isla markaana ay Somaliland u aragto lammaane istiraatiiji ah oo ka duwan xukuumadda Muqdisho oo ku guuldarraystay xasilinta amaankeeda gudaha.

Qatar iyo Isbeddelka Siyaasadeed:

Warbixinta ayaa faahfaahin ka bixisay isbedelka siyaasadeed ee dawladda Qatar, waxaana lagu yidhi “Khubaro siyaasadeed ayaa ku tilmaamay martiqaadkii Madaxweyne Cirro inuu yahay calaamad muujinaysa in Doha ay ka daashay xaaladda hubanti la’aanta ah ee dawladda Soomaaliya, isla markaana ay doorbidayso in ay u jeesato inay sahamisay fursado cusub oo lala yeesho Somaliland. Taas ooo muujinaysa sida ay Qatar uga niyad jabtay taageeradeedii mudada dheer ee ay taageeri jirtay midnimada Soomaaliya.”

Sidoo kale, warbaahinta caalamiga ah ee Daily Euro Times ayaa isbedelka cusub ee ka muuqda siyaasadda Qatar, wax ka waydiisay Mustafa Axmad oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Geeska Afrika, waxaanu u sheegay: “Beesha caalamku waxay ka niyad jabeen halka ay Soomaaliya marayso, si cadna waxay u raadinayaan meelo kale oo istiraatiiji ah. Somaliland ayaa ugu horreysa meelahaas.”

Doorka Warbaahinta Qatar:

Warbixintu waxay tilmaantay “Warbaahinta Al Jazeera Carabi, oo ah codka siyaasadeed ee Doha, ayaa dhowaan ka hadashay muhiimadda taageerada Mareykanka ee Somaliland, iyada oo soo bandhigtay dood ku saabsan suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland. Tani waxay muujinaysaa in Qatar ay isku dayayso inay isu-dheellitirto isbedelada cusub ee Geeska Afrika. Iyada oo Qatar ay xoogga saarayso in ay gacan-saaxiibtinimo u fidiso Somaliland iyada oo dhinaca kalena ilaalinaysa doorkeeda dhexdhexaadinta ee Soomaaliya.

Xidhiidhka Mareykanka iyo Somaliland:

Warbixinta Daily Euro Times waxay sheegtay in booqashadii saraakiisha Maraykanka ah ee AFRICOM ee Somaliland iyo codadka sharci-dejiyeyaasha Mareykanka oo uu ka mid yahay Senator Ted Cruz ay si weyn u xoojisay doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Washington waxa ay si cad u danaynaysaa istiraatiijiyadda Somaliland, gaar ahaan dhanka Gacanka Cadmeed, la dagaallanka argagixisada, iyo iskaashiga difaaca danaha qaranka.

Imaaraadka iyo Saameynta Gobolka:

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa hore maal-gashi ballaadhan uga sameeyay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor. Mashruucyadan waxay ka dhigayaan Somaliland xarun muhiim u ah isku xidhka Bariga Afrika, iyo sidoo kale saldhig istiraatiiji ah oo ka hortagga tahriibka, hubka sharci-darrada ah iyo saamaynta, Shiinaha, Iiraan iyo Xuutiyiinta.

Fursadaha Aqoonsiga Somaliland:

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaanay “Martiqaadkii rasmiga ah ee Madaxweyne Cirro ee Doha waxa uu calaamad u yahay in Somaliland kasbatay dareen siyaasadeed oo cusub oo caalami ah.

Warbaahinta Daily Euro Times waxay ku soo gunaanaday warbixinteeda: “Tallaabada Qatar waxay muujinaysaa dib-u-habayn ballaadhan oo ku wajahan siyaasaddeeda Geeska Afrika, iyadoo isku dayaysa inay dheellitirto saameynta sii kordheysa ee Imaaraadka iyo Turkiga. Somaliland waxay dhankeeda heshay fursad cusub oo ay ku ballaadhiso xidhiidhkeeda caalamiga ah, isla markaana ku xoojiso dedaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah.

Martiqaadka Doha wuxuu noqon karaa albaabka cusub ee ay Somaliland kaga dhabayn karoto himilooyinkeeda diblumaasiyadeed, isagoo dib u habayn ku sameynaya miisaanka awoodaha gobolka.

Taageerada Dhaqaale ee Qatar soo Gaadhsiisay Somaliland:

Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa taageero dhaqaale oo gaadhaysa 3 milyan oo dollar soo gaadhsiisay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo loogu talagalay in lagaga qaybqaato gurmadka bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa shaaca ka qaaday kaalmooyinkan, isagoo xusay in guddida abaaraha, oo ku hadlaysa magaca Madaxweynaha JSL, ay si weyn uga mahadcelinayaan taageerada Qatar. Taageeradan ayaa muhiimad weyn u leh daboolidda baahiyaha degdegga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxayna muujinaysaa sida xidhiidhka walaalnimo iyo saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Qatar uu u sii adkaanayo.

Taageeradan dhaqaale ee Dowladda Qatar ayaa si cad u muujinaysa isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal. Sidoo kale waxay dhiirrigelin u tahay6 dadaallada gurmadka abaaraha ee Somaliland, taas oo muujinaysa sida iskaashiga caalamiga ah uu muhiim ugu yahay xilliyada ay jiraan dhibaatooyinlka dabiiciga ah.