Nin cabqariya oo Caqli badan (Wiseman) oo fadhiyay webiga dhiniciisa isagoo quruxdiisa daawanaya, ayaa arkay Dabaqalooc biyaha ku qarqoomay.
Markii uu gacantiisa doonayay inuu ku soo saaro ayuu qaniinay oo dib ula soo booday ganactiisa. Wax yar ka dib markii uu xanuunkii ka degay ayuu haddana mar labaad isku deyay inuu ka soo qabto, laakiin haddana wuu qaniinay oo isagoo damqaday ayuu kala soo booday.
Ilbidhiqsi ka dib ayuu isku deyay inuu mar sadexaad badbaadiyo. Laakiin nin agtiisa fadhiyay ayaa ku qayliyay oo ku yidhi “Ninkaagan xakiimka ahi waad isku dayday inaad badbaadiso bahalka oo mar kasta wuu ku qaniinayaa maad iska daysay markan sadexaad?
Laakiin ninkii caqliga badnaa ayaa ugu jawaabay isagoo gacantiisa ku sii wada biyaha “ Dhaqanka daba qaloocu waa inuu wax qaniino, aburka aadamiguna wuxu waafaaqsan yahay in sameeyo hab dhaqanka badabaadinta. Markii ugua danbaysay wuxu ku guualaystayo inuu badabadiyo waxaana uu yidhi “ Guusha waxa lagu gaadhaa dadaal iyo adkaysi”.

























