Mataanaynta Taariikhiga ah ee Hargeysa iyo Jigjiga

0
267

Qaybta labaad ee Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa heshiis taariikhi ah oo dhex maray Maayerada Hargaysa iyo Jigjiga, kaasi oo lagu mataanaynayo labada magaalo.

Munaasibada heshiiska lagu kala saxeexday oo ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa waxa job joog ahaa Maayirada Hargaysa iyo Jigjiga iyo masuuliyiin ka mid ah labada maamul magaalo, halkaasi oo qalinka lagu duugay heshiis wax-ku-ool ah, oo wax badan ka badeli doona xidhiidhka taariikhiga ah ee labada magaalo.

Heshiiskan oo si qoto dheer loo sii diyaariyay ayaa lagu saxeexay jawi walaaltinimo leh, waxaana si cad loogu muujiyay in mataanayntaasi tahay mid rasmi ah oo ku salaysan wada-shaqayn, taageero isu dheelitiran iyo horumar la wadaago.

Labada maamul magaalo ayaa ku heshiyay in ay iska kaashadaan arrimaha horumarineed ee khuseeya bulshada iyo maamulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Horumarinta adeegyada bulshada, sida nadaafadda, biyaha iyo waxbarashada
  • Xoojinta xiriirka dhaqaale iyo ganacsi
  • Is-weydaarsiga khibradaha maamulka iyo tababarro u dhexeeya shaqaalaha
  • Kobcinta isku xidhnaanta bulshada labada magaalo

Mudane Shaafi Axmed, Maayirka Jigjiga, ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid taariikhi ah, wuxuuna yidhi:

“Mataanaynta Hargeysa iyo Jigjiga maaha mid laab-lakac ah, waa mid rasmi ah oo salka ku haysa iskaashi dhab ah. Labadan magaalo waxay ahaayeen halkii xadaaradda Soomaalidu ka soo bilaabantay.”

Maayirka Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Mooge, ayaa isna xusay in Jigjiga tahay magaalo mar walba u taagan garab istaagga walaalahooda, isagoo tusaale u soo qaatay doorkii ay ka qaateen dabkii suuqa Waaheen:

“Markii uu gubtay suuqii Waaheen, Jigjiga waxay ahayd magaalada ugu horraysay ee na soo garab istaagtay. Ciidan naftood hurayaal ah iyo taageero moral iyo mid maaddi ahba way noo soo direen. Taariikhdaas marnaba la illaawi maayo.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in:

“Markii ay Jigjiga la kulantay musiibo, anaguna waan u gurmanay. Taasi waxay caddeyn u tahay xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada magaalo. Maanta waxaan aragnaa Jigjiga oo qaaday tubta horumarka.”

Heshiiskan mataanayn ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo Jigjiga ayaa la filayaa in uu noqdo bilow cusub oo ku dayasho mudan, kaas oo dhiirrigelinaya xiriirka magaalooyinka Soomaalida ee ka kala tirsan dalal kala duwan. Waxa kale oo uu sare u qaadi doonaa wada-shaqaynta gobolka, xoojinta is-dhexgalka bulshada, iyo horumarinta adeegyada magaalooyinka.