UK, France iyo Germany ayaa bilaabay hab ay dib ugu soo celinayaan cunaqabateyntii ugu weyneyd ee Qaramada Midoobay ee saarneyd Iiraan – taas oo lagaga qaaday heshiis 2015-kii, iyadoo ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.
Talaabadan ayaa dhalin doonta waxa loogu yeedho farsamada dib u soo celinta, taas oo keeni karta in lasoo celiyo cunaqabataynta 30 maalmood gudahood.
Waraaq uu u diray madaxa siyaasadda Midowga Yurub, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan uu ku sheegay in saddexda waddan in aanay “wax awood sharci ah u lahayn” inay dib u soo nooleeyaan cunaqabataynta, isla markaana Ruushka iyo Shiinaha labaduba ay taageersan yihiin mowqifka Iiraan.
Wasiirka ayaa qoray in Iiraan ay diyaar u tahay in ay dib u bilowdo wada xaajood “cadaalad ah oo dheeli tiran” kaas oo ku saabsan barnaamijka lagu muransan yahay haddii dhinacyada kale ay muujiyaan “daacadnimo iyo niyad wanaag”.
Ka qaybgalayaasha heshiiskii 2015, saddexda waddan ee Yurub ayaa laba toddobaad ka hor ka digay inay diyaar u yihiin inay soo celiyaan cunaqabataynta haddii aanay Iiraan aqbalin “xal diblomaasiyadeed” dhammaadka Agoosto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay “si dhab ah u wiiqi doonto” geeddi-socodkii ay kula jirtay Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka, iyadoo ku tilmaantay “daandaansi iyo xiisad aan loo baahnayn” “taas oo ay sheegeen in ay la kulmi doonto jawaabaha ku habboon”.






















