Ruushka oo Bartilmaadeed Saday xarunta Midowga Yurub ee Ukraine

0
156

Madaxa guddiga fulinta ee Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ka hadashay sida ay uga cadheysan tahay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Ruushka uu ka geystay Kyiv tan iyo bishii julay – kaasoo sidoo kale waxyeelo gaadhsiiyay xafiiska ergada Midowga Yurub ee caasimadda Ukraine.

Inta la og yahay, 23 qof ayaa lagu dilay weerrrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaalladu ay ka gaysteen caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Afar carruur ah ayaa kamid ah dadka dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Waxaa socda gurmadka ay fidinayaan kooxaha badbaadada oo ku mashquulsan guryaha dabaqyada ah ee dumay.

Dhisme shan dabaq ka kooban ayaa la burburiyay, waxaana waxyeelo soo gaadhay xafiisyada Midowga Yurub iyo Golaha Ingiriiska oo ka ah dhawaa goobta.