OpenAI, oo ah shirkad garaadka macmalka ah, ayaa wajahaysa dacwad ka dhaceysa California, halkaas oo lammaane ay ku eedeeyeen in barnmajikaasi uu sababay dhimashada wiilkooda oo dhalinyara da’yar ah, iyagoo ku eedeeyay in barnaamijka shirkadda ChatGPT uu ku dhiirigeliyay inuu isdilo.
Matt iyo Maria Ryan ayaa dacwadda u gudbiyay Maxkamadda Sare ee California Talaadadii, taasoo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo shirkadda ku eedaysay dil khaldan ka dib markii uu is dilay wiilkooda oo 16 jir ah, Adam Ryan.
Qoyska ayaa soo gudbiyay dacwad ah wiilkooda iyo barnaamijka oo ka wada sheekeeysanaya kuna wada sheekaysanaya afkaar ah is midaamin, taas oo Adam uu ku cabirayo fikirkiisa is-dilka ah, halka qoysku ay ku andacoonayaan in barnaamijku taageeray “fikradihiisa ugu waxyeelada badan ahna naf gooysnimada”.
Dhinaceeda, shirkaddu ayaa warbaahinta u sheegtay hadal qoraal ah oo rasmi ah oo ay ku sheegtay inay dib u eegis ku samaynayso faylka.
Shirkadda ayaa sidoo kale bayaan ay ku soo daabacday boggeeda salaadadii, ku sheegtay, “Xaaladaha ugu dambeeyay ee xanuunka badan ee ChatGPT ee loo adeegsaday xilliyada xasaradaha ba’an in ay culeyskeeda leedahay”
Shirkaddu waxay intaas ku dartay in barnaamijka “loo diyaariyay inuu dadka ku hago si ay u raadsadaan caawimo xirfadeed,” sida ku boorinta shakhsiyaadka inay wacaan 988-ka khadka caawinta is-dilka iyo dhibaatooyinka ee Maraykanka, ama Caawinaadda Ingiriiska






















