Caynaba: Koboca Magaalooyinka iyo Bulshada oo loo Bedelayo Fursaddo Horumarineed

0
116

Qore Faysal Xiil Weerar

Caynaba (Dawan)- Magaalada Caynaba ayaa martigelisay barnaamij muhiim ah oo lagaga hadlayay saamaynta korodhka dadka iyo magaalooyinku ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha. Kulankan ayaa soo jiitay ka qaybgalka Badhasaabka Gobolka Saraar, Maayirka Degmada Caynaba, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo muujinaysa sida ay maamulka iyo shacabka uga go’an tahay ka wada hadalka arrimaha horumarineed ee gobolka.

Barnaamijka ayaa waxaa soo jeedinayay aqoonyahanno ka soo jeeda Gobolka Saraar, kuwaasoo si qoto dheer u falanqeeyay sida korodhka tirada dadka iyo fiditaanka magaalooyinka u saameeyaan dhaqaalaha, adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fursadaha shaqo abuurka. Aqoonyahannadu waxay tilmaameen in magaalooyinka si dhaqso ah u kobcaya ay leeyihiin fursado dhaqaale oo weyn, balse sidoo kale ay la yimaadaan caqabado sida adeegyo bulsho oo liita, kaabayaasha oo aan ku filnayn, iyo tartan ku saabsan shaqooyinka iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Ka qaybgalayaasha, oo ay ku jiraan madaxda deegaanka iyo wakiillo ka socda qeybaha bulshada, ayaa ka dooday talooyin iyo xeelado lagu xallin karo caqabadaha ka dhasha korodhka dadka iyo magaalooyinka. Waxa ay soo jeediyeen in loo baahan yahay qorsheyn istiraatiiji ah, horumarinta kaabayaasha, iyo maalgelin lagu sameeyo adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijiyo koboc waara.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimada wada shaqeynta maamulka, aqoonyahannada, iyo bulshada si loo helo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada koboca dhaqaalaha iyo horumarka guud ee Caynaba iyo guud ahaan gobolka Saraar. Waxaa hubaal ah in doodaha iyo talooyinka laga soo saaray barnaamijkan ay gacan ka geysan doonaan sameynta istiraatiijiyad waarta oo ka hortagta caqabadaha koboca magaalooyinka iyo dadka isla markaana kor u qaadda fursadaha horumarineed ee gobolka.